25 January 2011

Xidhista Suxufiyiinta waa Xaaladahi hore ee Xal cusub ayaa haboon


URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP

War Saxaafadeed

Sumad: UDDAA/WS/2011 -1 Taariikh: 25/01/2011

Xidhista Suxufiyiinta waa Xaaladahi hore ee Xal cusub ayaa haboon

Ururka Daryeelka Distoorka ee UDDAA waxa uu aad uga xunyahay xukunka xadhiga ah ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku riday Tifaftiraha wargeyska Waaheen, Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto). Ururku wuxu ku guubabineynaa Maxkamadaha Rafcaanka iyo Xukuumaduba in ay ku dadaalaan in muwaadinkan xorriyadiisa si dhekhso ah loogu soo celiyo.

Xorriyatul qawlka saxaafada waxa kafaalo qaadaya Qoddobka 32aad ee Distoorka Qaranka iyo Xeerka Saxaafada, waana nasiib daro in weli eedeynta loo soo jeediyo saxaafada loo adeegsado Xeerka Ciqaabta Guud oo ay ku jiraan qodobo kasoo horjeeda Distoorka Somaliland, ahna kuwii Talayaanigo mudadii “fashiistiga” dhigtay. Anagoo ogsoon in tanoo kale hore u dhacday, ismaanu laheyn raadkii hore ayaa weli raacayaa.

Xadhigan dheer iyo ganaaxan badan ee lagu riday Tifatiraha oo ay soo eedeeyeen laba mas’uul oo ah shaqaale dawladeed ahi ma aha uun muwaadin la duudsiiyey xuquudiisii, ee waxaa kaloo aduunweynaha looga arkayaa cabudhin saxaafada xorta ah iyo dulqaadasho yaraanta shaqaalaha dawladda. Sumcada dalka iyo kalsoonida garsoorkana waa arrin saameyneysa.

Anagoo ogsoon in mudda yar uun ay Xukuumadu cusibi joogtay , waxaanu ku guubaabineyna in si deg deg ah arrimahan saxaafada wiiqaya wax looga qabto . Sidaa daraadeed waxaanu tallo ahaan ku soo jeedinaynaa:

1. In Xukumadu, iyadoo fulineysa balanadeedii hore, ay ku dhawaaqdo joojin (MORATORIUM) lagu joojinayo isticmaalka Xeerka Ciqaabta Guud, ilaa inta la bedellayo qodobada Xeerka Ciqaabta Guud ee ku saabsan “cayda ama sumcad dillista”, marka suxifi eedeyn lagasoo sheegto wax uu kusoo saaray warbaahinta in eedeymahaas lagu xalilo habka Xeerka Saxaafada (Q.10 (6) aad) iyo Xeerka Madaniga (Q. 160aad – falka xaaranta ah - tort) oo ku xusan Xeerka Saxaafada.

2. In dhamaan wixii joojintaas ka dambeya aaney arrimahaas Booliiska iyo xeer ilaalinto faro lagaleyn oo hawshoodu ku ekaato dembiyadda.

3. In Xukuumadda iyo Baarlamaanku ay soo saaraan xeer madani ah oo arrimaha sumcad dhimidda badheedhka ah (libel) u gaar ah.

4. In iyadoo lala tashanayo ururada suxifiyiinta la sii adkeeyo Xeerka Saxaafada iyo xeer hoosaadka anshaxa iyo gaar ahaan habka cabashooyinka dadweynaha (press complaints) loola dhaqmo.

5. In haddii Tifatirahan Maxkamadaha Rafcaanku aanay burrin xukunka maxkamada, xukumadu markay soo saarto joojinta (moratorium) kor ku qoran ay ku darto cafis Madaxweyne dhamaan weriya kasta oo u xidhan baahin uu so saaray awgeed.

6. In suxufiyiinta iyo ururadoodo ay sii adkeyaan ku dhaqanka Xeerka Saxaafada iyo xeer hoosaadka (Code of Conduct) oo iyagana saaraya mus’uuliyad gaar ah.

7. Nin xil qaaday eed qaadba la yidhi. Mus’uuliyiinta dawladu waxaanu ku guubabineyna in ay sii kordhiyaan dulqaadashadooda. Wixii baalmaraya Xeerka Saxaafada iyo kan anshaxana, ha u mareen habka xeerkaas ku yaala.

Ugu dambeyntii saxaafadda xorta ahi waa halbowlaha habka diimuqraadinimada. Teenuna weli waa koreysaa ee aynu kobcino.

Wa Bilaahi Tawfiiq

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - waa koox-cadaadis (pressure group) ka madaxbanaan xisbiyada siyaasada, oo ay xubno ka yihiin Somalilanderka qurbaha deggan oo aaminsan in loo baahanyahay in hor loo mariyo oo la kobciyo Distoorka Somaliland. Diimoqraadiyadda, ku dhaqanka xeerarka, kala xadeynta awoodaha waaxyada dawladda, iyo xuqquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah waa tiirarka Distoorka. Ujeedooyinka UDDA waxa weeye sharaxaada baahida loo qabo in laga hor tago fasiraada khaladka ah iyo ku-xadgudubka Distoorka, iyo in loo olaleeyo garsoor madaxbanaan oo si karti leh uga soo baxa hawshiisa sida gaarka ah Distoorku u cayimay.

Mareegto: http://www.uddaasomaliland.blogspot.com


Isuduwayaal: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk , Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

La Taliye: Ibrahim Hashi Jama ibrahim@somalilandlaw.com

14 June 2010

Xukunnada Guddiyada Nabadgelyada waa in si Degdeg ah loo Joojiya


“Cawaaqib-xumada ku dhaqanka xukunnada Guddiyada Nabadgelyada ma aha uun duudsiinta xorriyadda muwaadiniinta ee waata aynu haddana aragnay in ay keentay daryeel xumo ay ku geeriyootay qof dumara oo u xidhneyd Guddi Nabadgelyo”

London (Jam)- Ururka Daryeelka Dastuurka Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo (UDDAA), ayaa si kulul u cambaareeyey xukunkii sharci-darada ahaa ee gudiida nabadgelyadu ku rideen marxuumad Shaadiya Cabdi Ducaale oo dhawr toddobaad ka hor iyada oo katiinadaysan ku geeriyootay cusbitaalka magaalada Gabiley.

Qoraal ururka UDDAA soo saaray shalay, ayuu ku cambaareeyey xukunnada sharci-darrada ah ee guddida nabadgelyadu sida qarsoodiga ah ugu fuliyaan dad badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo xukunnadooda loo maro sifo sharciga baalmarsan, iyada oo ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo tirtiro jiritaanka guddiyada nabadgelyada.

Qoraalka ururka UDDAA soo saaray oo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan:

“Ururka Daryeelka Dastoorka Somaliland (UDDAA) waxa uu si aad iyo aad ah uga xun yahay dhimashada marxuumad Shaadiya Cabdi Ducaale, Allaah ha u naxariistee oo ku geeriyootay cusbitaalka, iyadoo sida la soo sheegay katiinad weli ku xidhan tahay.

Haddaba, Cawaaqib-xumada ku dhaqanka xukunnada Guddiyada Nabadgelyada ma aha uun duudsiinta xorriyadda muwaadiniinta ee waata aynu haddana aragnay inay keentay daryeel-xumo ku geeriyootay qof dumar ah oo xidhneyd Guddida Nabadgelyada.

Urur ahaan in badan ayaanmu hore uga dignay xukunnada qayra-dastooriga ah ee guddiyadani fuliyaan, kuwaasoo meel-ka-dhac ku ah xuquuqda aasaasiga ee aadamaha Rabbi ku mannaystay, isla markaana dastoorka qaranku kafaallo qaaday, geerida marxuumaddan ku timina waxay ka markhaati kacaysaa in dad badan oo masaakiina ama danyar ah, iyada oo aan la ogeyn guddiyadani xukuno qarsoodi ah ku ridaan oo sharciga baalmarsan, waana nasiib-darro in maanta oo Somaliland tahay dal xor ah oo ku dhaqanka xeerka (rule of law) iyo habka diimuquraadiyadda ay ka jiraan in dhacdooyinka noocan oo kale ah ka dhacaan.

Ururka UDDAA waxa uu markale ugu baaqayaa xubnaha guddiyada nabadgalyada ee dalka in ay hawlaha nabad ilaalinta ku ekaadaan oo aanay dhexgelin hawlaha garsoorka ee maxkamadahu ku shuqul leeyihiin.

Haddaba, dhimashada Shaadiya waxay ina wada xasuusinaysaa sida loogu baahan yahay in la soo afjaro jiritaanka farogalinta dhinaca garsoorka ah ee guddiyadan.

UDDAA haddaanu nahay waxaannu markale ugu baaqaynaa annagoo ka faa’iidaysanayna fursaddan qaaliga ah ee dadkeena iyo dalkeennu diyaargarowga ugu jiraan doorashada in:

1. Xisbiyada iyo murrashaxiinta doorashooda u tartamayaa si cad oon madmadow ku jirin u ballanqaadaan inay u joojin doonaan awoodaha guddiyadaasi dadka ku xidhaan oo ay ku shaqeeyaan oo keliya adkeynta nabadgelyada, kuna dhawaaqaan in ay xabsiga kasii deyn doonaan cid kasta oo u xidhan Guddiga Nabadgelyo oo qofkii denbi xeerarka ku cad galeyna maxkamad si degdeg ah markiiba loo horkeeni doono.

2. Maxkamadda Sare iyo maxkamadaha kaleba waxaannu markale u soo jeedineyna in ay ka sii daayaan xabsiyada cid kastoo si aan waafaqsaneyn xeerarka iyo distoorka xabsi ay ku xukuntay Guddida Nabadgalyadu.

3. Guddida Dastuurka, Garsoorka, Caddaaladda iyo Xuquuqal-iinsaanka ee Golaha Wakiillada waa inay baadhitaan ku sameeyaan dhimashada Shaadiya, maadaama sida la sheegay Wasiirka Arrimaha Guduhu (ahna Guddoomiyaha Guddida Nabadagelya Qaranka) uu amray in xabsiga laga sii daayo dhammaadkii bishii April 2010.

Gebogebadii shacabka Somaliland dhammaantood waxaannu ku guubaabineynaa inay weydiiyaan murrashax kasta halkay arrintan ka taagan yihiin oo ay tixgeliyaan jawaabtooda. Uruka UDDAA wuxuu aaminsan yahay in Guddiyada Nabadgelyadu sidan hadda dadka u xidhxidhayaan carqalad weyn ku tahay kobcinta caddaaladda iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee dalkeenna, caqabadna ku tahay sumcadda waddankeenna iyo qaddiyaddeenna,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.


Wa Bilaahi Tawfiiq

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role. For more information please visi

http://www.uddaasomaliland.blogspot.com

Convenors: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk ;
Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

02 April 2010

Guddiga Cusbataalka Hargeysa Abaalmarin ayey Muteysteen ee uma Qalmaan Aflagaado iyo Eris

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP

WAR SAXAAFADEED: Taariikh: 2/04/2010 Summad UDDAA/WS/2010 -1
______________________________________________________________

Guddiga Cusbataalka Hargeysa Abaalmarin ayey Muteysteen ee uma Qalmaan Aflagaado iyo Eris


Ururka Daryeelka Distoorka Somaliland
ee (UDDAA), waxa uu aad iyo aad uga xun yahay amarka Madaxweyne Rayaale hawshii iskaa wax u qabso aheyd kaga joojiyay guddidii cusbataalka Guud ee Hargeysa, oo runtii garab iyo gaashaanba u ahaa hawlaha daryeelka caafimaadka.

Guddidani waxa la wada ogsoonyahay marxaladihii adkaa ee ay kale soo dabaasheen cusbataalka guud oo ay bulshada dhexdeeda kaga muteysteen magac iyo maamuusba. Guddidu intii ay hawshan mutaawaca ah hayeen waxay cusbataalka ka qabteen hawlo mahuraan ah oo aanay suuro gal aheyn in lagu soo kobo qoraalkan. Waxay ku guulaysatay inay xidhiidh qoto dheer la sameeyeen ururo badan oo caalami ah oo keentay waxtar weyn iyo taakuleyn.


Urur ahaan, si mug leh ayaanu ula soconey khilaafaadka wakhtiga dheer qaatay ee uu shaqada kaga eryey Wasiirku Agaasimihii cusbataalka iyo dhakhaatiir badan, iyadoo baahi xad dhaaf ah loo qabo xirfadooda. Waxa aanu qabna in khilaafaadkaa siyaabo sahlan loo xalin karayay haddii laga hawlgalo. Waanan la yaabnay markaanu ogaaney in Madaxweynuhu, isagoon guddida la kulmin oo aan maqlin aara’dooda uu go’aan kan gaadhay. Taas uma aragno cadaalad iyo xishmeyn ay u qalmaan dad iskood hawl qaran iska xilsaaray.


UDDAA ahaan waxaanu u aragnaa in tallabadani tahay mid dib u dhac weyn ku ah horummarka iyo dedaalka dadka reer Somaliland ugu jiraan dib udhiska dalkooda hooyo, taasi oo niyadjab weyn ku ah shakhsiyaadka ku hawlan. Waxaa markhaati maddoonta ah in aan sinaba loo buuxin karin jagadii guddigaasi ummadda Somaliland u haysay oo ahayd iftiin ummaddu ku soo hirato. Tabaruca cusbataalkan lagu hagaajinyo waa arrin ummada Somaliland hore u soo taabatay, waana nasiib daro maanta oo aynu xor nahay in niyad jab aan loo baahneyn waqtigan la keeno.


Ururka UDDAA waxa uu u soo jeeddinayaa Xukuumadda Somaliland:


  • In ay si degdeg ah guddida loogu celiyo hawsha iskaada ah ee ay ummada u hayeen.
  • In Xukuumadu la shaqeyso oo farogalinta ka dayso Guddidan mutadawiciinta ah oo aanu u aragno guddi aan dowli ahayn.

Aduunka waa laga ixtiraamaa oo waa la kobciyaa guddiyadda tabaruca uga hawlgala, gaar ahaan adeega bulshada iyo caafimaadka, Xukuumadda waxa ku haboon in ay taageerto guddiyada noocan oo kale ah oo ka madax bannaan shaqaalaha dawladda. Waxa nala fiican in guddidan laga faa’ideysto khibradooda oo magaalooyinka kalena laga dhiso qaar la mid ah.



Wa Bilaahi Tawfiiq

__________________________________________________________

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)
- Promotion of the Constitution Group - waa koox-cadaadis (pressure group) ka madaxbanaan xisbiyada siyaasada, oo ay xubno ka yihiin Somalilanderka qurbaha deggan oo aaminsan in loo baahanyahay in hor loo mariyo oo la kobciyo Distoorka Somaliland. Diimoqraadiyadda, ku dhaqanka xeerarka, kala xadeynta awoodaha waaxyada dawladda, iyo xuqquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah waa tiirarka Distoorka. Ujeedooyinka UDDA waxa weeye sharaxaada baahida loo qabo in laga hor tago fasiraada khaladka ah iyo ku-xadgudubka Distoorka, iyo in loo olaleeyo garsoor madaxbanaan oo si karti leh uga soo baxa hawshiisa sida gaarka ah Distoorku u cayimay.


Mareegto:
UDDAA Somaliland http://www.uddaasomaliland.blogspot.com

Isuduwayaal: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk
Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

La Taliye
: Ibrahim Hashi Jama ibrahim@somalilandlaw.com

Related article:

Petition forwarded by Samotalis:
We say No to the President of Somaliland for his illegitimate dismissal of Hargeisa Regional Health Board

GoPetition


02 December 2009

Xukunada Guddiyada Nabadgalyadu waa Xaaraan iyo Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta, waxaanay dhaawacaysaa sumcaddii Somaliland


URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP



WAR SAXAAFADEED: 30 Noofembar 2009

Xukunada Guddiyada Nabadgalyadu waa Xaaraan iyo Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta, waxaanay dhaawacaysaa sumcaddii Somaliland



Ururka Daryeelka Distoorka Somaliland (UDDAA) wuxu mudaba ku guubaaninayey Xukuumadda Somaliland in ay joojiso xukunada lidka ku ah Distoorka Somaliland ee ay go'amiyaan Gudiyadda Nabadgelyadu, waxa urukan markale la yaab ku noqotay hadalada dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodi-Jeex, Maxamed Cabdi Daa’uud, ee uu ku tilmaamay Guddiyadan kuwo sharciga iyo dastuurka dalka waafaqsan. Guddoomiyaha oo isla markana ah gudoomiyaha Gudida Nabadgelyada ee gobolka, wuxu hadlakiisani ka markhaati kacayaa in xukuumadu ay ku adkeysaneyso in ay sii wadi doonto xidhxidhida dadka badan ee gudiyadani xabsiga u taxaabaan iyada oon maxkamad sharci ah lasoo hortaagin.

Waxaanu xasuusineyna ummadda oo dhan in aanay ilaawin muwaadiniinta weli lagu cabudhinayo xeerarkii ka hadhay kali taliskii haligmay, iyadoo maanta suuro gal inoo tahay inaynu cidii danbi gasha la marin karo laamaha caddaladda iyo maxkamad sharci ah. Ma jirto cid diiddani hawlaha la xidhiidha sugidda nabadgeyada ee Gudiyadani u xilsaaraniyiin, laakin xaq uma laha in ay maroorsadaan awoodihii maxkamadaha, waanan ka xunahay in maxkamadihii difaaci lahaa awoodahooda garsooreed iyo xuquuqda distoorku muwaadininta siiyey ay ilaa hadda ka gaabsadeen in ay xabsiyadda ka sii daayaan dadkan Gudiyadu iska xidheen.

Ururka UDDAA iyo ummadaba wey u muuqataa in xukuumadani aanay ka damqaneyn ku xadgudubka xuquuqda muwaadiniintan ay Gudiyadani iska xidheen. Taas waxaa u dheer in aad moodo in aanay dan ka lahayn magac xumida arrimahani u keeneen sumcada Somaliland iyo xeer ku dhaqanka (rule of law) ee aynu ku faano. Sannadakan 2009 aynu ku jirno oo kaliya waxaa cambaareeyey xukunnadda ay ridaan Gudiyadan Nabadgelyadu ugu yaraan 3 hay’adood oo caalami ah oo warbixinadooda aduunka oo dhan laga akhristay. Kuwaas oo kala ah:

1. Warbixinta Sannad kasta ee ku saabsan xuquuqda aadimiga ee ay soo sarto Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Mareykanka (US State Dept Human Rights Report 2008) oo soo baxay 25kii February 2009:

http://www.state. gov/g/drl/ rls/hrrpt/ 2008/af/119024. htm.

2. Haya’da caalimga ah ee Amnesty International oo warbixin gaar ah kasoo saartay Somaliland 17kii March 2009: http://www.amnesty. org/en/library/ info/AFR52/ 001/2009/ en

3. Haya’da caalimga ah ee Human Rights Watch oo soo saartay warbixin gaar ah oo ku saabsan Somaliland 13kii July ee 2009: http://www.hrw. org/en/news/ 2009/07/13/ somaliland- fragile-democrac y-under-threat

Kuwan ka hor, Qaramada Midoobay (QM) Ergeyga madaxbanaan ee u xilsaaran arimaha xuquuqda aadamiga Somaliland iyo Soomalalya dhowr jeer ayuu xukunadan Gudiyadda Nabadgelyada Somaliland ka hadlay, waxaana ka mid ah warbixintii uu u gudbiyey QM bishii March 2008kii:

http://www.universa lhumanrightsinde x.org/documents/ 863/1346/ document/ en/pdf/text. pdf

Bal aynu soo qaadano warbixintii Hay’adda Human Rights Watch oo tidhi:

“Xoghayaha Gudida Nabadgelyada ee Gobolka Hargeysa [Cabdisalaam Cali Nuur] wuxuu noo sheegay in Gudidiiso xidhay sanadkii 2008 iyo bilowgii 2009kii 249 qof. Markii Human Rights Watch tageen xabsiga Maandheere bishii Maarso 2009, shaqaalaha xabsiga ayaa u cadeeyey in 554kii maxbuus ay 300 xabsi ku xukuntay Gudida Gobolka Hargeysa.” (bogga 29aad ee warbixinta)

Warbixinto waxay kaloo sheegtay in Hay’adu ay la kulantay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hargeysa iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer horaantii sannadkan, waxaanay tidhi Gudiyadu iskumaba dayaan in ay xuquuqda dadka gebi ahaanba tixgeliyaan. Tusaale ahaan bishii February 2009, Gudida Togdheer waxay xabsiga u taxaabisay ila 150 qof oo ay mar kaliya xukun 6 bilood ah ku xukuntay.

Hore ayaanu anaga, iyo Ururo kale oo badani uga codsanay xukuumadu in ay joojiso xukunaddan Gudiyadani go'amiyaan. Haddaba hadalakan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hargeysa wuxu uun sii cadeynayaa in xukumadani ay maroorsigii awoodaha garsoorka halkii uun kasii wadidoonto. UDDAA waxay so jeedineysaa in:

1. Xisbiyada iyo murashixiinta doorashooyinka soo socdaa, heer kastaba, waa ina ay ;

a) Si cad oon madmadaw ku jirin u balanqaadaan in ay Gudiyadan ka joojin doonaan

awoodahan ay shaqadii Waaxda Garsoorka ka maroorsadeen;

b) Kuna dhawaaqaan in ay xabsiga kasii deyn doonaan cid kasta oo u xidhan Gudi Nabadgelyo, qofkii denbi Xeerarka ku cad galeyna maxkamad si deg deg ah markiiba loo hor keeni doono.

2. Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida waa in ay so saaraan xeer gaaban:

a) Oo cadeynaya in qof kasta oo dembi lagu tuhumo la mariyo wadooyinka Xeerarka Ciqaabta iyo Habka Ciqaabta ay dhigayaan oo cid aan Booliska, xeerilaalinta iyo maxkamadaha aheyni aanay awood u laheyn in muwaadiniinta xabsiga u taxaabaan ; Gudiyada Nabadgelyaduna ay ku ekaadaan hawlaha guud ee sugidda nabadgelyadda.

B) In ciddii xorriyadda qofka u duudsida si aan sharciga waafaqsaneyn uu mutaysanyo ciqaab sida ku qoran Qodobka 27(9) ee Distoorka Somaliland.

3. Ururada rayidka ahi waa in ay ka war hayaan oo u halgamaan dadka ay xidhaan Gudiyadda Nabadgelyadu.

4. Shacabka Somaliland waxaanu ku guubaabineyna in ay weydiiyaan xisbi kasta iyo murashax kasta halka ay arrintan ka taaganyihiin oo ay tixgeliyaan marka doorashooyinka yimaadaan ciddii xoojineysa cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda ee xorriyadaha distoorku kafaaloqaadanaya.

5. Maxkamada Sare iyo maxkamadaha kaleba waxaanu mar kale usoo jeedineyna in ay kasii daayaan xabsiyadda cid kasta oo si aan waafaqsaneyn xeerarka iyo Distoorka xabsi lagu xukumay.

Waxa xusid mudan in hadalo iska soo horjeeda ay Xukumadani ilaa intii ay jirtay ka sheegtay xeerarka ay u cuskaneyso awoodaha Gudiyadan Nabadgelyadda. Haddaba, Xukuumada waxaanu leenahay mar haddii aad cadeysateen in aydun Gudiyadan ku dhaqankooda sii wadaysaan, ummadda si cad oo qoran u tusa oo una faafiya qodobadda iyo Xeerarka aad leedihiin Gudiyadan awood garsoor bay leeyihiin. Kumaankunka qof ee xorriyadoodii Gudiyadani ka qaadeen, iyo ehelada dadkaasiba, xaq bay u leeyihiin in loo tuso si cad oo qoraal ah xeeraraka loo cuskaday. Tan kale, Guddoomiyaha Gobolku waa shaqaale dawladeed oo la mid ah agaasimaayasha iyo madaxda sare ee masuuliyiinta maamulka dawladda (public officers), waxaanu markaas xasuusineynaa in aanay arrimaha siyaasada xisbiyada iyo doorashooyinka faraha la gelin oo dhexdexaad siyaasada xisbiyada ka ahaadaan.

Uruka UDDAA wuxu aaminsanyahay in Gudiyada Nabadgelyadu sidan ay hadda dadka ay u xidhxidhayaan ay carqalad weyn ku tahay kobcinta cadaalada iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee dalkeenna, caqabadna ku tahay sumcada wadankeena iyo qadiyadeena.

Wa Bilaahi Tawfiiq

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role. For more information please visi http://www.uddaasomaliland.blogspot.com

Conveners : Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk ; Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

13 September 2009

Appeal to the Somaliland President & Vice-President: Resign so the nation can get back to its democratic journey



URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP


Date: 14 September 2009

Appeal to the Somaliland President & Vice-President: Resign so the nation can get back to its democratic journey

UDDAA and Other Somaliland Diaspora Organisation appeal to the President and the Vice-President to resign so that the nation can continue peacefully with its democratisation process.

We have been following, with ever increasing dismay, the delays in the presidential and local government elections and the continual constitutional and political crises over the last four years. We are appalled to see that the reputation of Somaliland as an oasis of peace and a country built on consensus and compromise slowly being dismantled. Our democratic journey is plainly off course; citizens are in our prisons without trials and numerous journalists have been detained and imprisoned. The judiciary is firmly under the control of the executive and the legislative has been emasculated by the executive, so much so that its doors have been literally locked on the order of the President.

In the last few weeks, the House of Representatives has finally decided to debate an impeachment motion, but this again escalated to a position where the House was closed down on the orders of the President. A promise by the President given to the Elders and traditional leaders that the Representatives will be allowed to get back to their premises was not carried out and consequently citizens incensed by the continued closure of the House were shot at on Saturday, 12 September. Two died and many were injured.

The Articles of Impeachment at the House of Representatives list some of the many alleged infringements of the Constitution and the law committed by the President and the Vice President. We will not rehearse these, but it is clear to everyone that these allegations and the recurring political and constitutional crises during the last few years have set the nation back.

The presidential election has been postponed to an indefinite date. We are now yet again at another impasse, but this time, with the already twice extended terms of office of the President and the Vice President, no further extension is acceptable legally or politically. Many of us considered these previous extensions as unconstitutional and the nation will not accept another extension even if the President manages to get it through the House of Elders.

We urge that the President/Vice President act well before the end of their extended term on 29 October 2009, and let the nation know of their resignation as soon as possible so that the constitutional caretaker President can take over with the sole brief, under Article 89(4) of the Constitution, of holding the presidential elections within 60 days.

We do not think that all the problems in Somaliland are caused by the leadership of the Executive, but to paraphrase another president, the “buck stops” with them. The presidential system of government we have chosen does not mean that without elections the incumbent President who has failed to hold elections on time should forever remain in power – that is dictatorship and not democracy. We also point out that President Rayaale had ample time – 5 years as Vice-President and 7 years as President – to shape the future of the nation and it is time he and the Vice President step aside and allow the country to get back on its tracks. History will, we believe, be kinder to both of them if they spare the nation further instability.

Finally:

* We ask all other Somaliland Diaspora Organisations to make the same appeal to the President and the Vice President, so we can save Somaliland from further chaos and destabilisation.
* We appeal to the friendly nations to facilitate the temporary constitutional transfer of power and to assist more boldly in both the forthcoming elections and in the provision of resources for capacity building and direct assistance to the Somaliland Parliament, so that, the latter can, for example, employ a civilian sergeant- at-arms in charge of the security of its meeting halls and premises.
* We urge all nations to assist Somaliland financially and diplomatically and to welcome it finally to the comity of nations so it can contribute more to the building of democracy, and peace and to combating of terrorism and piracy in the region.
* We send our condolences to the bereaved families in Hargeisa and our wishes to the injured. We urge the two Houses to set up as soon as practicable a joint committee to enquire into events of the last few days

Somaliland Organisations making this Appeal are:

1. UDDAA – Promotion of the Constitution Group

2. SIRAG

3. Somalilandlaw.com

4. Somaliland American Council

5. East Africa Policy Institute

6. Somaliland Democracy Watch Organization (SDWO)

7. Somaliland Overseas

8. The academic of Science and development

9 . Somaliland France association

10. Somaliland Business Forum

11. Somaliland Freedom of Expression Fund (Article 32)

12. Somaliland Women Diaspora

11. Somaliland Community of Minnesota
_____________________________________________________________
URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) – Promotion of the Constitution Group – is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role.

Convenors: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk ; Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

12 August 2009

Republic of Somaliland - Resolution of the House on 11th August 2009


REPUBLIC OF SOMALILAND

RESOLUTION OF THE HOUSE


The House of Representatives of the RSL

Having seen Article 9(1) and 9(2) of the Constitution

Having seen Article 37(2) of the Constitution

Having seen Article 38(1) and 38(3) of the Constitution

Having seen Law No. 20/2001, Law No. 37/2007 and their annexes

Having seen Article 27 of the House Rules of Procedure

Having seen The motion submitted to the House in connection with the legality of the decision of the Electoral Commission to set aside the outcome of the voter registration exercise, and having also heard the legal advice dated 1.8.2009 given by the House of Representatives Legal Adviser

Having heard The crux of the debate conducted by the honourable members and taking into consideration the majority view of the members who participated in the debate

Has Resolved that:

1. The decision of the National Electoral Commission of the Republic of Somaliland to propose an election not based on voter registration and to set aside the outcome of the voter registration exercise was unlawful and was beyond the powers of the National Electoral Commission.

2. The National Electoral Commission and the President of the Republic of Somaliland must, as soon as possible, rescind this decision and implement the Presidential and Local Councils Election Law (20/2001), the Voter Registration Law (37/2007) and their annexes.

Somali Version:

Go,aan Gole

Golaha wakiilada JSL

Markuu arkay Qod. 9aad ee dastuurka Faq. 1aad iyo 2aad

Markuu arkay Qod. 37aad ee dastuurka faq. 2aad

Markuu arkay Qod. 38aad ee dastuurka faqradiisa 1aad iyo 3aad

Markuu arkay xeerarka Xeerka lr. 20/2001, Xeerka Lr. 37/2007 iyo lifaaqyadooda

Markuu arkay Xeer Hoosaadka Golaha Qod. 37aad

Markuu arkay Arkay mooshinka Golaha la horkeenay eek u saabsanaa sharciyadda go,aanka Komishanku ku laalay natiijadii diiwaangelinta codbixyayaasha isla markaan dhegeystay taladii sharci ee sharci yaqaaanka Golaha Wakiilada ee ku taariikheysan 1.8.2009

Markuu Dhegeystay Nuxurkii doodii muadanyaasha txigeliyeyna soo jeedimihii aqlabiyadii mudanyaasha ee dooda ka qayb galay

Wuxuu go,aamiyey

1. In Go,aanka Guddida doorashooyinka Qaranka JSL ku jideeyeen doorasho bilaa diiwangelin ah kuna laaleen natiijada ka soo baxday diiwaangelinta codbixiyeyaasha yahay mid aan sharci ahayn kana baxsan awooda gudida doorashooyinka Qaranka.

2. In gudidda doorashooyinka qaranka iyo Madaxweynaha JSL sida ugu dakhsaha badan uga noqdaan go, aankaas kuna dhaqmaan xeerka Doorashada madaxtooyada iyo G/Deeganada (20/2001) iyo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha (37/2007) iyo lifaaqyadooda.

3. In Golaha Wakiilada JSL , isaga oo xilkiisa dastuuriga gudanaya, qaado talaabooyinka dastuurku u jeediyey haddii aan Madaxweynaha iyo Gudidda Doorashooyinka Qaranku fulin go,aankan Golaha ka soo baxay.

4. In xukuumadda Somaliland ka fogaato talaabo kasta oo xumeyn karta xidhiidhka beesha caalamiga iyo JSL , kuna dadaasho wanaajinta xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka si aanay u dhaawacmin rajada ictiraafka Somaliland iyo kaalmada kooban ee Somaliland ka hesho beesha caalamka.

05 August 2009

U.S. Dismayed with Somaliland Developments

Press Release: US Embassy, Nairobi

U.S. Dismayed with Somaliland Developments

The United States government is profoundly dismayed with the recent developments in Somaliland, particularly the decision by President Riyale and the National Electoral Commission to discard the recently-completed voter registration list. We believe the list forms a sound basis for use in the elections scheduled for September 27. We have directly urged President Riyale to reconsider his decision.

Source: http://eastafricapi.com/index.php?option=com_content&view=article&id=305:press-release-us-embassy-nairobi&catid=81:usa&Itemid=198