Pages

05 May 2009

"Heshiiskani waa Madax oo waa in Jidh iyo Minjo loogu dara si uu u Socdo "UDDAA

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

Warsaxaafadeed Taariikh: 04/05/2009

Ururka Daryeelka Distoorka Somaliland (UDDAA) oo ah koox-cadaadis (pressure group) oo ay isugu yimaadeen xubno qurbo-joog eh ayaa waxa uu ku bogaadinayaa Guddida Dhexaadinta dedaalka ay ka galeen isu soodhaweynta xisbiyadda qaranka iyo Madaxweynaha si khilaafkii ka taagnaa dib udhaca doorashada Madaxeynaha iyo muddo kordhintii loo bilaabo xalintiisa. Guddido way ku mahadsantay qodobadda guud ee soo saartay oo ay aqbaleen 3da xisbi iyo Madaxweynuba. Kuwaasi sida heeshiisyadda caynkanoo kale ah waa uun madaxa heeshiiska (heads of agreement) ee waa in jidh iyo minjaba lagu daraa si hesshiisku u socdo oo loogu dhaqmo.

Si loogu guntamo hirgelinta heshiiskan, UDDAA hadaanu nahay waxaanu soo jeedineyna arrimahan.

Mas’uuliyadda hirgelinta

1. Mas’uuliyadda hirgelinta heshiiskan waxay saarantahay Madaxweynaha, Baarlamaanka, Guddida Doorashooyinka iyo xisbiyadda oo mid weliba hawshiisa kasoo baxo. Ilaa inta doorashado dhaceyso, waa in Guddida Dhexdhexaadintu ay bishiiba mar soo saartaa bayaan cadeynaya geedi socodka talaabooyinka lagu hirgelinayo qodobada heshiiskan.

2. Xukuumaddu Xeerarka looga bahanyahay in heshiiskan lagu hirgeliyo waa in ay soo bandhigtaa iyadoo tixgelinayasa aaraa’da xisbiyadda, dhanqangelineysana nuxurka iyo ujeedooyinka heshiiska.

3. Gudida Arrimaha Gudaha ee Golaha Waakilda waa in ay iyana bil kasta raad raacan arrintan oo ku guubaabiyaan cid kasta soo dhameystirka hawlaha lagu hirgelino heshiiska.

Kordhinta mudada xilka M/weynaha

4. Waa laysku wada raacay hadda in muddo kordin dambe oo ay Guurtidu xukuumdan u sameeyso in aanay jireyn. Anagoo horeba u qabnay in Q.83aad ee Distoorka ee Guurtidu dhowr jeer oo hore u cuskatay muddo kordhinta xilka M/weynaha aanu sax ahayn marnaba aanay nabagelyo xumo doorashada dib-u-dhigin, waxaa go’aankan hadda laysku raacay lagu sharciyen karaa iyadoo dib loogu noqdo nuxurka asliga ee Q.83aad.

5. Haddaba waxaanu soo jeedineyna in si deg deg ah Xukumadu (iyo xubnaha Golaha Wakiildu) ay soo hordhigaan Golaha Wakiilada xeerkan kooban oo qoraalkan ku lifaaqan. Xeerkan oo ku saleysan Distoorku waxaanu fileynaa in uu ka saaro ayo xisbiyadda iyo umadda welwelka laga qaabo kordhsiimooyinka muddada xilka M/weynahan iyoo kuwii kale ee ku guuleysta doorashada.

6. Waanu soo dhawyneyna hadalakii Gudoomiyihi hore ee Gudida Joogta ah ee Guurtida, Xaaji Cabdi Waraabe, ee uu ku yidhi kordhin dambe ma dhaceyso. Xaajiga iyo Guurtida sharafta leh waxaanu ka codsaneyna in ay Xeerkan oo qowlkan raacaya ay si deg deg ah u ansixiyaan. Guurtidu waa Gole qaran, Xeerkani sumacadooda kor u qaadid mooye, waxba u dhimi waayo.

Mudadda doorashooyinka

7. Si loo fuliyo go’aanka Guddida Dhexdhexaadinta ee ah in olalaha doorahsadu ka horreyo bisha Ramadaan, lagama maarmayo in lasoo saaro xeer u gaar ah doorashadan oo wax ka bedelaya Qod.28aad ee Xeeraka Doorashooyinka (No. 20/2001) oo hadda odhanaya waa in bil ka hore taarikhda doorashada la bilaabo, la dhameeyana 2 cisho ka hore taariikhdaas.

8. Aad baanu usoo dhaweyneynaa go’aanka Guddida ee waqtiga cad u dhighay Guddida Doorashooyinka in ay soo dhameeyaan arrintan Kaydiyaha Kombuutarada (Server). Haddii waqti-hawleedka doorashada (Election Time-line) uu cidhiidhi noqdo, waxaanu kalo soo jeedineyna in mudada labada bilood ah ee u ku qoran Qod.10aad ee Lifaaqa Xeerka Diwaangelinta Codbixiyaasha wax laga bedalo oo mudada la yareeyo, laguna daro in liisaska oo qoraal ah aad loo baahiyo oo buugag yar oo la daabaco loo qabiyo goobaha doorashada ka sokow, meelaha kale ee oo dadweynuhu ka arki karaan, laguna guubabiyo xisbiyadda iyo bulshada in ay ahmiyad gaar saran faafinta liisaskan.

Guddida doorashooyinka

9. In kastoo aynu aragnay dhaliilada Guddidan, bedelaada kuligoodba maaha mid sharciyan iyo waqtigan cayiman hirgelikarta oo maaha talaabo aanu kula talineyno hay’adaha ay khuseyso. Waxaanu soo jeedineyna in si deg deg ah losoo celiyo Qoobkii 30aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr.20-2/2005) ee labadda xubnood ku daray Guddida, laakin labda xubnood ay soo magacaabaan labad xisbi ee hadda mucaaridka. M/weynhu oo ahna Gudoomiye xisbi wuxuu weli xaq u leeyahay in uu magacaabo saddax xubnood oo weli waa ka sadweynyahay gudoomiyaasha labada kale xisbi qaran.

Tilmaamaha Hab-dhaqanka (Code of Conduct)

10. Guddida Doorashooyinka iyo xisbiyadu waa in si deg deg ah u dhameeyaan Tilmaamaha hab-dhaqanka (Code of Conduct) ee lagu isticmaalayo Doorashada Madaxtooyadda. Si taasi u hirgasho, sidii horeyna laga xoojiyo, waxaanu soo jeedineyna in:

a) La raaco Tilmaamihii (Code) lasoo saaray 2005ki ee doorashaddii Golaha Wakiiladda ka hor oo aan dib loogu noqon kii 2002kii.

b) In laysku raaco in Qodobada ku jira Xeerka Doorashad 2005 oo aan ku jirin kii 2002ga, ayna ka mid yihiin Qod.26aad ee isticmaalka hantida qaranka, oo ay keentay waayo aragnimo lagu daro Tilmaamahan.

c) In haddii aanu Golaha Wakiiladu Xeerkii 2002ka waafajineyn kii ka dambeyey ee 2005ka, laysku raaco in Qaybta VIIaad Xeerka 2005 ee ku saabsan ku xadgudubka xeerka iyo nidaamka doorashada iyo awoodaha lagusiiyay arrintan muhimka ah Guddida Doorashooyinka ay ku daraan tilmaamaha so llogu isticmaalo doorashada Madaxtooyada iyo tan Golayaasha Degmooyinka.

11. Waxaaba intaas kasii haboon in Baarlamanku soo saaraan Xeer gaaban oo arrimihii cusbaa ee muhimka ahaa ee lagu daray Xeerka 2005ka lagu kordhiyo Xeerkii hore ee 2002kii, laguna doro qodob cusub oo

a) si cad awood siinaya Guddida Doorashooyinka in ay soo saaran Tilmaamo Habdhaqanka (codes of conduct) marka ay la tashadaan xisbiyadda;

b) ayna dhisaan Guddi joogta ah oo kormeerta doorashooyinka (Election Monitoring Board), xoghayn joogta ahna kule Xafiiska Guud ee Guddida Doorashooyinka;

c) guddidaas oo daba gashana hab dhaqnaka doorashooyinka, baadhisna ku sameysa oo go’aano soo jeedisa ku saabsan ku xadgudubka xeerarka iyo tilmaamaha iyo talaabooyinka anshax marinta ee Guddida Doorashooyinku is ka qaadi karto xisbiyadda sida ku xusan Qod.64aad ee Xeerka 2005.

Warbaahinata Qaranka

12. War baahinta xorta ah ee muwaadiinto leeyihiin iyo warbaahinta ummada leedahay oo aan dawaldi ama kooxi xukumin waa astaamahaa kowaad ee xorriyadda ra’yi dhiibashada ee ditoorkeenu kafaala qaaday. Doorashada ka dib waa in aynu soo saarna xeerar cusub oo arrimahan habeeya, waxaana soo jeedineynaa in Guddida Koormeerka Doorashooyinka loo xilsaaro u sinaanta 3da xisbi warbaahinta umadda leedahay. Waa in loo badidoona Guddida kharash ugu filan in ay muddada olalaha iyo labda bilood ee ka horeeya ay qortaan koox jaamicadeed oo maalinkasta darista istimaalka warbaahintaas.

Hantida Qaranka iyo Xeerka

13. Dabagalka isticmaalka hantida qaranakana waa in Guddida Koormeerka iyana loo xilsaara.

14. Isticmaalka hantida ummada ee xildhibaan dawladeed u adeegsado hawlaha xisbi waa dembi ku cad Qod 241aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, oo waa in cid kasta oo arrimahas aragtaa ay gaadhsiiso Guddida iyo Xeer Ilaalinta.

15. Habka dawladeeno waa mid ku saleeysam Madaxtooyo (Presidential) ee maaha mid Baarlamaani ah (Parliamentary). Sidaas awgeed, wasiiradu iyo wasiir-ku-xigeenadu maaha siyaasiyiin ee xildhibaanno dawladeed (public officers). Xildhibaanadaasi waa u furantahy in dawlada barnaamijkeeda ay ka hadlaan oo horumariyaan, laakiin maaha in ay siyaaasad xisbi u ololeeyaan. Xitaa wadamadda wasiiradu ay ka mid yihiin baarlamaanka, waxay leeyihiin xeer kala cadeeya hawshooda wasiirnimo iyo hawshooda ku saabsan xubinnamadooda baarlamaanka iyo xisbigooda. Waxaano soo jeedineyna in si deg deg loogu daro Tilmaamaha Doorashooyink (Code of Conduct) dhaqanka laga filayo wasiiradda iyo ku-xigeenadooda muddada doorashooyinka iyo ka horba.

16. Dhamaan shaqaalaha dawlada, heer kasta ha ahaadeen waa in aanay hantida iyo gaadiidka qarankana u ogalaan in cidina ku isticmaasho arrimo xisbi u gaar ah. Shaqaalaha Sare (oo heerka agaasime iyo wixii ka sareeya ah) ee Dawladda Dhexe iyo degmooyinka oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaasha Gobolada (badhasaabada), iyo madaxda wasaaradaha, wakaaldaha iyo laamaha kale ee qaranka waa shardi in aanay ka qaybgelin ololayaasha xisbiyadda, taasi oo dhexdhexaadnimadooda wax u dhimeysa.

Xorriyada Asxaabta iyo Hawlahooda

17. Xisbiyadu xuquuq bay leeyihiin Distoorka iyo Xeerka Ururada uu kafaalo qaaday. Haddii dawaladu ay ku xadgudubtu xuqquqdoodaas, doorasho xalaala lama helayo. Waxaanu soo jeedineyna in lagu daro Tilmaamaha Habdhaqanka Doorashada hab xisbiyadu ay uga cabankaran ku-xadabgudubyadaa caynkaasa.

Xorriyadaha aasasiga ee dadweynaha

18. Waxaanu intaas ku dareyna in muwaadin kasta uu leeyahay xorriyaddu iyo xuquuq aasaasi ah oo ay ka mid yihin xaqa ra’yi dhiibashada iyo xuquuqda dheqdhaqaaqa iyo abaabulka. In kastoo uu distoorkeeno hadda ogalyahay 3 xisbi qaran oo keliya, ma uu xaddidin xuquuqdaas kale ee muaadinka. UDDAA hadaani nahay, waxaanu leenahay ha loo daayo umudda xuqquqdooda, Distoorkana halaga daayo daandaansiga.

19. Shacbiweynaha reer Somaliland ee had iyo jeer u heelan ilaalinta qaranimada dalkoodana waxaanu ugu baaqaynayaa in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida dalkooda hooyo oo maanta ah ta caalamku inagu ixtiraamo, iyo ilaalinta xuquuqdooda ay usoo dagaalameen.

Ururka daryeelka Distoorka (UDDAA)

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)
- Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role.



Convenors: Lulu Farah uddaasomaliland@gmail.com ; Khadar Ali Gaas uddaasomaliland@gmail.com

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

Website: http://www.uddaasomaliland.blogspot.com/



Warsaxaafadeed Taariikh: 03/05/2009

LIFAAQ:

Xeerka Dhammaadka Muddada Xilka Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa

Xeer Lam ……..

Golaha Wakiilada ee JSL

Aaraar…

-------

Wuxuu ansixiyey Xeerkan:

Qod 1: Baahida xeerkan

Xeerkan waxaa lagu dhaqmayaa marka ay doorashadu Madaxweynaha iyo Ku-geenka Madaxweynahu aanay dhicin waqtiga ku caymin Q.83(2)aad ee Distoorka, bil ka hore dhammaadka muddada 5ta sano ee xilkooda, amaba dammaadka 5ta sano.

Qod. 2: Kordhinta distoorka ku cayiman

Si aan shaki u galin (for the avoidance of doubt), waxa Xeerkani caddeynayaa in Q.83(5)aad ee Distoorka ee ku saabsan kordhinta muddada xilka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu uu ku xaddidanyahay oo keliya marka ay dhammaato muddada xilkooda ee 5ta sano oo doorashaduno ay u dhiciweydu duruufo la xidhiidha nabadgelyada awgeed oo kaliya, islamarkaan aannu Qodabkani saameyn kulahayn doorashada oo sababo kale u dhiciweyday.

Qod. 3: Marxaladaha ka baxsan Q.83(5) ee distoorka

Marka ay u caddaato Guddiga doorashooyinka, iyago la tashaday xisbiyada, in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu aanay dhacayn gudaha muddada xilkooda ee 5ta sano ah iyo, waqtiga Xeerkan ka hor wixii muddo kordhin ah ee loogu daray, waxay u soo gudbinyaan Madaxweynaha iyo Shirguddoonka labada Gole qoraal rasmi ah oo caddaynaya sababta ay doorashadu u qabsoomi weyday iyo taariikhda ay filyaan in ay qabsoonto.

Qod. 4: Guddi gaar ah

Marka ay Shir Guddoonka labada Gole helaan caddaymaha Guddiga Doorashooyinka, dib-u-dhaca doorashadana aanay keenin duruufo la xidhiidha nabadgelyada, waxay si deg deg ah u xulayaan Guddi gaar ah oo ka kooban min 5 xubnood oo labada Gole ah, oo ka baarandega caddaymaha Guddiga Doorashooyinka, maqlana aaraa’da xisbiyada iyo urrurada waaweyn ee bulshada ee ku saabsan sida ugu habboon ee wadanku u lahaanayo xukun ku meel gaadh ah oo gaadhsiiya doorasho xor iyo xalaal ah. Guddigu waa in ay muddo cayiman ku gaadhsiiyaan labada Gole warbixintooda oo ay ka muuqdaan soo-jeedinno

Qod. 5: Laba Gole ee baarlamaanka

1. Iyagoo raacaya habka dawladeed ee Distoorku dhigayo, fiiriniyana muddada lagu qaban karo doorasho xor iyo xalaal ah, tixgelinayana dhexdhexaadnimada loo bahanyahay iyo xasilloonida waddanka muddadaas ayey labada Gole shir ay u dhanyihiin (joint meeting) go’aan kaga soo saarayaan habka xukuummada-ku-meel gaadhka ah ee ugu habboon iyo muddada xilkeeda.

2. Go’aanka labada Gole ee arrintan waxa lagu gaadhayaa habka cod dheeriga ku saleysan tirada kuraasta labada Gole (absolute majority) ee markaas aan bannaanayn, waana la socodsiinya cod bixinta ilaa go’aan laga gaadho soo jeedimada ay Guddida gaarka ahi ay soo hordhigtey Golayaasha.

Qod. 6: Xukuumad ku-meel-gaadh

1. Xukumaddaas ku-meel-gaadhka ah waxay dhaqan gelaysaa maalinta ku xigta dhammaadaka muddada xilka Madaxwaynaha iyo Ku-xigeenkiisu ay dhammaato ee 5ta sano (ama, Xeerkan ka hor, muddada korodhsiimada ah). Xukuumaddan waajibkeeda ugu weyn waa hirgelinta doorashada, awoodna uma laha in ay gasho kharash ka baxsan miisaaniyadda la ansixiyey ama bilowdo mushruucyo cusub ama gasho heshiisyo caalami ah oo cusub iyada oo aan hor hordhigin Golaha Wakiillada.

2. Xukuumaddan waa in ay labadii biloodba mar warbixin buuxda oo ku saabsan hab socodka hawlaha doorashada u gudbiyaan labada shirgudoon.

Qod. 7: Waqtiga doorashada ee mudda kordhinta iyo tan ku meel gaadhka ah

1. Si aan shaki u galin (for the avoidance of doubt) Q.83(2)aad ee Distoorka ee sheegaya in doorashada Madaxweynha iyo Ku- xigeenkiisa la qabto bil ka hor dhammaadka xilkooda waxa xeerkan lagu caddaynayaa in uu ku koobanyahay uun muddada 5ta sano ee loo doortay.

2. Muddadaas 5ta sano ah wixi ka dambeeya, doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dib udhacda, waxa waqtigeeda cayimaya Guddiga doorashooyinka, marka ay la tashadaan xisbiyada Qaranka. Faqradani saameyn kuma laha Qod.8aad ee Xeerka Doorashooyinka ee Madaxweynaha iyo Goleyaasha Degmooyinka (Xeer Lr. 20/2001) oo aan ahayn kordhinta lagu kordhiyay waajibka ka saaraan Guddida in ay, mar kasta, la tashadaan xisbiyadda ka hore inta aanay cayimin taariikhda qabashada doorashada.

3. Mudda ka baxsan 5ta sanno ee xilka Madaxwynaha iyo Ku xigeenkiisa, Guddida Doorashooyinka waxa ku waajib ah in ay raacaan habka ku xusan Q. 3aad ee Xeerkan haddii ay muuqato in doorashadu qabsoomi karto taariikh ka duwan tii hore ay u cayimeen. Haddii taariikhdaas ay ka dambeyneyso tii hore, labada Gole waxay raacyaan habka Xeerkan ku xusan. Haddii ay kasoo horreynasna, doorashada taariikhdaas ayaa la qabanaya, xilkana waxay ku-guuleytayaashu la wareeygayaan subaxda ku xigta maalinta muddada xilalka cidda heysaa ay dhammaato.

Qod. 8: Dhaqangalka xeerka

1. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa taariikda uu Madaxweynuhuna sexeexo, ka dib marka ay labada Gole ansixyaan.

2. Xeer kasta oo ama qoddobo xeer ee ka soo horjeeda Xeerkan waa la buriyey.

No comments:

Post a Comment