Pages

Showing posts with label ururka daryeelka dastoorka Somaliland. Show all posts
Showing posts with label ururka daryeelka dastoorka Somaliland. Show all posts

25 January 2011

Xidhista Suxufiyiinta waa Xaaladahi hore ee Xal cusub ayaa haboon


URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP

War Saxaafadeed

Sumad: UDDAA/WS/2011 -1 Taariikh: 25/01/2011

Xidhista Suxufiyiinta waa Xaaladahi hore ee Xal cusub ayaa haboon

Ururka Daryeelka Distoorka ee UDDAA waxa uu aad uga xunyahay xukunka xadhiga ah ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku riday Tifaftiraha wargeyska Waaheen, Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto). Ururku wuxu ku guubabineynaa Maxkamadaha Rafcaanka iyo Xukuumaduba in ay ku dadaalaan in muwaadinkan xorriyadiisa si dhekhso ah loogu soo celiyo.

Xorriyatul qawlka saxaafada waxa kafaalo qaadaya Qoddobka 32aad ee Distoorka Qaranka iyo Xeerka Saxaafada, waana nasiib daro in weli eedeynta loo soo jeediyo saxaafada loo adeegsado Xeerka Ciqaabta Guud oo ay ku jiraan qodobo kasoo horjeeda Distoorka Somaliland, ahna kuwii Talayaanigo mudadii “fashiistiga” dhigtay. Anagoo ogsoon in tanoo kale hore u dhacday, ismaanu laheyn raadkii hore ayaa weli raacayaa.

Xadhigan dheer iyo ganaaxan badan ee lagu riday Tifatiraha oo ay soo eedeeyeen laba mas’uul oo ah shaqaale dawladeed ahi ma aha uun muwaadin la duudsiiyey xuquudiisii, ee waxaa kaloo aduunweynaha looga arkayaa cabudhin saxaafada xorta ah iyo dulqaadasho yaraanta shaqaalaha dawladda. Sumcada dalka iyo kalsoonida garsoorkana waa arrin saameyneysa.

Anagoo ogsoon in mudda yar uun ay Xukuumadu cusibi joogtay , waxaanu ku guubaabineyna in si deg deg ah arrimahan saxaafada wiiqaya wax looga qabto . Sidaa daraadeed waxaanu tallo ahaan ku soo jeedinaynaa:

1. In Xukumadu, iyadoo fulineysa balanadeedii hore, ay ku dhawaaqdo joojin (MORATORIUM) lagu joojinayo isticmaalka Xeerka Ciqaabta Guud, ilaa inta la bedellayo qodobada Xeerka Ciqaabta Guud ee ku saabsan “cayda ama sumcad dillista”, marka suxifi eedeyn lagasoo sheegto wax uu kusoo saaray warbaahinta in eedeymahaas lagu xalilo habka Xeerka Saxaafada (Q.10 (6) aad) iyo Xeerka Madaniga (Q. 160aad – falka xaaranta ah - tort) oo ku xusan Xeerka Saxaafada.

2. In dhamaan wixii joojintaas ka dambeya aaney arrimahaas Booliiska iyo xeer ilaalinto faro lagaleyn oo hawshoodu ku ekaato dembiyadda.

3. In Xukuumadda iyo Baarlamaanku ay soo saaraan xeer madani ah oo arrimaha sumcad dhimidda badheedhka ah (libel) u gaar ah.

4. In iyadoo lala tashanayo ururada suxifiyiinta la sii adkeeyo Xeerka Saxaafada iyo xeer hoosaadka anshaxa iyo gaar ahaan habka cabashooyinka dadweynaha (press complaints) loola dhaqmo.

5. In haddii Tifatirahan Maxkamadaha Rafcaanku aanay burrin xukunka maxkamada, xukumadu markay soo saarto joojinta (moratorium) kor ku qoran ay ku darto cafis Madaxweyne dhamaan weriya kasta oo u xidhan baahin uu so saaray awgeed.

6. In suxufiyiinta iyo ururadoodo ay sii adkeyaan ku dhaqanka Xeerka Saxaafada iyo xeer hoosaadka (Code of Conduct) oo iyagana saaraya mus’uuliyad gaar ah.

7. Nin xil qaaday eed qaadba la yidhi. Mus’uuliyiinta dawladu waxaanu ku guubabineyna in ay sii kordhiyaan dulqaadashadooda. Wixii baalmaraya Xeerka Saxaafada iyo kan anshaxana, ha u mareen habka xeerkaas ku yaala.

Ugu dambeyntii saxaafadda xorta ahi waa halbowlaha habka diimuqraadinimada. Teenuna weli waa koreysaa ee aynu kobcino.

Wa Bilaahi Tawfiiq

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - waa koox-cadaadis (pressure group) ka madaxbanaan xisbiyada siyaasada, oo ay xubno ka yihiin Somalilanderka qurbaha deggan oo aaminsan in loo baahanyahay in hor loo mariyo oo la kobciyo Distoorka Somaliland. Diimoqraadiyadda, ku dhaqanka xeerarka, kala xadeynta awoodaha waaxyada dawladda, iyo xuqquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah waa tiirarka Distoorka. Ujeedooyinka UDDA waxa weeye sharaxaada baahida loo qabo in laga hor tago fasiraada khaladka ah iyo ku-xadgudubka Distoorka, iyo in loo olaleeyo garsoor madaxbanaan oo si karti leh uga soo baxa hawshiisa sida gaarka ah Distoorku u cayimay.

Mareegto: http://www.uddaasomaliland.blogspot.com


Isuduwayaal: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk , Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

La Taliye: Ibrahim Hashi Jama ibrahim@somalilandlaw.com

02 April 2010

Guddiga Cusbataalka Hargeysa Abaalmarin ayey Muteysteen ee uma Qalmaan Aflagaado iyo Eris

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP

WAR SAXAAFADEED: Taariikh: 2/04/2010 Summad UDDAA/WS/2010 -1
______________________________________________________________

Guddiga Cusbataalka Hargeysa Abaalmarin ayey Muteysteen ee uma Qalmaan Aflagaado iyo Eris


Ururka Daryeelka Distoorka Somaliland
ee (UDDAA), waxa uu aad iyo aad uga xun yahay amarka Madaxweyne Rayaale hawshii iskaa wax u qabso aheyd kaga joojiyay guddidii cusbataalka Guud ee Hargeysa, oo runtii garab iyo gaashaanba u ahaa hawlaha daryeelka caafimaadka.

Guddidani waxa la wada ogsoonyahay marxaladihii adkaa ee ay kale soo dabaasheen cusbataalka guud oo ay bulshada dhexdeeda kaga muteysteen magac iyo maamuusba. Guddidu intii ay hawshan mutaawaca ah hayeen waxay cusbataalka ka qabteen hawlo mahuraan ah oo aanay suuro gal aheyn in lagu soo kobo qoraalkan. Waxay ku guulaysatay inay xidhiidh qoto dheer la sameeyeen ururo badan oo caalami ah oo keentay waxtar weyn iyo taakuleyn.


Urur ahaan, si mug leh ayaanu ula soconey khilaafaadka wakhtiga dheer qaatay ee uu shaqada kaga eryey Wasiirku Agaasimihii cusbataalka iyo dhakhaatiir badan, iyadoo baahi xad dhaaf ah loo qabo xirfadooda. Waxa aanu qabna in khilaafaadkaa siyaabo sahlan loo xalin karayay haddii laga hawlgalo. Waanan la yaabnay markaanu ogaaney in Madaxweynuhu, isagoon guddida la kulmin oo aan maqlin aara’dooda uu go’aan kan gaadhay. Taas uma aragno cadaalad iyo xishmeyn ay u qalmaan dad iskood hawl qaran iska xilsaaray.


UDDAA ahaan waxaanu u aragnaa in tallabadani tahay mid dib u dhac weyn ku ah horummarka iyo dedaalka dadka reer Somaliland ugu jiraan dib udhiska dalkooda hooyo, taasi oo niyadjab weyn ku ah shakhsiyaadka ku hawlan. Waxaa markhaati maddoonta ah in aan sinaba loo buuxin karin jagadii guddigaasi ummadda Somaliland u haysay oo ahayd iftiin ummaddu ku soo hirato. Tabaruca cusbataalkan lagu hagaajinyo waa arrin ummada Somaliland hore u soo taabatay, waana nasiib daro maanta oo aynu xor nahay in niyad jab aan loo baahneyn waqtigan la keeno.


Ururka UDDAA waxa uu u soo jeeddinayaa Xukuumadda Somaliland:


  • In ay si degdeg ah guddida loogu celiyo hawsha iskaada ah ee ay ummada u hayeen.
  • In Xukuumadu la shaqeyso oo farogalinta ka dayso Guddidan mutadawiciinta ah oo aanu u aragno guddi aan dowli ahayn.

Aduunka waa laga ixtiraamaa oo waa la kobciyaa guddiyadda tabaruca uga hawlgala, gaar ahaan adeega bulshada iyo caafimaadka, Xukuumadda waxa ku haboon in ay taageerto guddiyada noocan oo kale ah oo ka madax bannaan shaqaalaha dawladda. Waxa nala fiican in guddidan laga faa’ideysto khibradooda oo magaalooyinka kalena laga dhiso qaar la mid ah.



Wa Bilaahi Tawfiiq

__________________________________________________________

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)
- Promotion of the Constitution Group - waa koox-cadaadis (pressure group) ka madaxbanaan xisbiyada siyaasada, oo ay xubno ka yihiin Somalilanderka qurbaha deggan oo aaminsan in loo baahanyahay in hor loo mariyo oo la kobciyo Distoorka Somaliland. Diimoqraadiyadda, ku dhaqanka xeerarka, kala xadeynta awoodaha waaxyada dawladda, iyo xuqquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah waa tiirarka Distoorka. Ujeedooyinka UDDA waxa weeye sharaxaada baahida loo qabo in laga hor tago fasiraada khaladka ah iyo ku-xadgudubka Distoorka, iyo in loo olaleeyo garsoor madaxbanaan oo si karti leh uga soo baxa hawshiisa sida gaarka ah Distoorku u cayimay.


Mareegto:
UDDAA Somaliland http://www.uddaasomaliland.blogspot.com

Isuduwayaal: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk
Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

La Taliye
: Ibrahim Hashi Jama ibrahim@somalilandlaw.com

Related article:

Petition forwarded by Samotalis:
We say No to the President of Somaliland for his illegitimate dismissal of Hargeisa Regional Health Board

GoPetition


02 December 2009

Xukunada Guddiyada Nabadgalyadu waa Xaaraan iyo Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta, waxaanay dhaawacaysaa sumcaddii Somaliland


URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP



WAR SAXAAFADEED: 30 Noofembar 2009

Xukunada Guddiyada Nabadgalyadu waa Xaaraan iyo Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta, waxaanay dhaawacaysaa sumcaddii Somaliland



Ururka Daryeelka Distoorka Somaliland (UDDAA) wuxu mudaba ku guubaaninayey Xukuumadda Somaliland in ay joojiso xukunada lidka ku ah Distoorka Somaliland ee ay go'amiyaan Gudiyadda Nabadgelyadu, waxa urukan markale la yaab ku noqotay hadalada dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodi-Jeex, Maxamed Cabdi Daa’uud, ee uu ku tilmaamay Guddiyadan kuwo sharciga iyo dastuurka dalka waafaqsan. Guddoomiyaha oo isla markana ah gudoomiyaha Gudida Nabadgelyada ee gobolka, wuxu hadlakiisani ka markhaati kacayaa in xukuumadu ay ku adkeysaneyso in ay sii wadi doonto xidhxidhida dadka badan ee gudiyadani xabsiga u taxaabaan iyada oon maxkamad sharci ah lasoo hortaagin.

Waxaanu xasuusineyna ummadda oo dhan in aanay ilaawin muwaadiniinta weli lagu cabudhinayo xeerarkii ka hadhay kali taliskii haligmay, iyadoo maanta suuro gal inoo tahay inaynu cidii danbi gasha la marin karo laamaha caddaladda iyo maxkamad sharci ah. Ma jirto cid diiddani hawlaha la xidhiidha sugidda nabadgeyada ee Gudiyadani u xilsaaraniyiin, laakin xaq uma laha in ay maroorsadaan awoodihii maxkamadaha, waanan ka xunahay in maxkamadihii difaaci lahaa awoodahooda garsooreed iyo xuquuqda distoorku muwaadininta siiyey ay ilaa hadda ka gaabsadeen in ay xabsiyadda ka sii daayaan dadkan Gudiyadu iska xidheen.

Ururka UDDAA iyo ummadaba wey u muuqataa in xukuumadani aanay ka damqaneyn ku xadgudubka xuquuqda muwaadiniintan ay Gudiyadani iska xidheen. Taas waxaa u dheer in aad moodo in aanay dan ka lahayn magac xumida arrimahani u keeneen sumcada Somaliland iyo xeer ku dhaqanka (rule of law) ee aynu ku faano. Sannadakan 2009 aynu ku jirno oo kaliya waxaa cambaareeyey xukunnadda ay ridaan Gudiyadan Nabadgelyadu ugu yaraan 3 hay’adood oo caalami ah oo warbixinadooda aduunka oo dhan laga akhristay. Kuwaas oo kala ah:

1. Warbixinta Sannad kasta ee ku saabsan xuquuqda aadimiga ee ay soo sarto Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Mareykanka (US State Dept Human Rights Report 2008) oo soo baxay 25kii February 2009:

http://www.state. gov/g/drl/ rls/hrrpt/ 2008/af/119024. htm.

2. Haya’da caalimga ah ee Amnesty International oo warbixin gaar ah kasoo saartay Somaliland 17kii March 2009: http://www.amnesty. org/en/library/ info/AFR52/ 001/2009/ en

3. Haya’da caalimga ah ee Human Rights Watch oo soo saartay warbixin gaar ah oo ku saabsan Somaliland 13kii July ee 2009: http://www.hrw. org/en/news/ 2009/07/13/ somaliland- fragile-democrac y-under-threat

Kuwan ka hor, Qaramada Midoobay (QM) Ergeyga madaxbanaan ee u xilsaaran arimaha xuquuqda aadamiga Somaliland iyo Soomalalya dhowr jeer ayuu xukunadan Gudiyadda Nabadgelyada Somaliland ka hadlay, waxaana ka mid ah warbixintii uu u gudbiyey QM bishii March 2008kii:

http://www.universa lhumanrightsinde x.org/documents/ 863/1346/ document/ en/pdf/text. pdf

Bal aynu soo qaadano warbixintii Hay’adda Human Rights Watch oo tidhi:

“Xoghayaha Gudida Nabadgelyada ee Gobolka Hargeysa [Cabdisalaam Cali Nuur] wuxuu noo sheegay in Gudidiiso xidhay sanadkii 2008 iyo bilowgii 2009kii 249 qof. Markii Human Rights Watch tageen xabsiga Maandheere bishii Maarso 2009, shaqaalaha xabsiga ayaa u cadeeyey in 554kii maxbuus ay 300 xabsi ku xukuntay Gudida Gobolka Hargeysa.” (bogga 29aad ee warbixinta)

Warbixinto waxay kaloo sheegtay in Hay’adu ay la kulantay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hargeysa iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer horaantii sannadkan, waxaanay tidhi Gudiyadu iskumaba dayaan in ay xuquuqda dadka gebi ahaanba tixgeliyaan. Tusaale ahaan bishii February 2009, Gudida Togdheer waxay xabsiga u taxaabisay ila 150 qof oo ay mar kaliya xukun 6 bilood ah ku xukuntay.

Hore ayaanu anaga, iyo Ururo kale oo badani uga codsanay xukuumadu in ay joojiso xukunaddan Gudiyadani go'amiyaan. Haddaba hadalakan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hargeysa wuxu uun sii cadeynayaa in xukumadani ay maroorsigii awoodaha garsoorka halkii uun kasii wadidoonto. UDDAA waxay so jeedineysaa in:

1. Xisbiyada iyo murashixiinta doorashooyinka soo socdaa, heer kastaba, waa ina ay ;

a) Si cad oon madmadaw ku jirin u balanqaadaan in ay Gudiyadan ka joojin doonaan

awoodahan ay shaqadii Waaxda Garsoorka ka maroorsadeen;

b) Kuna dhawaaqaan in ay xabsiga kasii deyn doonaan cid kasta oo u xidhan Gudi Nabadgelyo, qofkii denbi Xeerarka ku cad galeyna maxkamad si deg deg ah markiiba loo hor keeni doono.

2. Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida waa in ay so saaraan xeer gaaban:

a) Oo cadeynaya in qof kasta oo dembi lagu tuhumo la mariyo wadooyinka Xeerarka Ciqaabta iyo Habka Ciqaabta ay dhigayaan oo cid aan Booliska, xeerilaalinta iyo maxkamadaha aheyni aanay awood u laheyn in muwaadiniinta xabsiga u taxaabaan ; Gudiyada Nabadgelyaduna ay ku ekaadaan hawlaha guud ee sugidda nabadgelyadda.

B) In ciddii xorriyadda qofka u duudsida si aan sharciga waafaqsaneyn uu mutaysanyo ciqaab sida ku qoran Qodobka 27(9) ee Distoorka Somaliland.

3. Ururada rayidka ahi waa in ay ka war hayaan oo u halgamaan dadka ay xidhaan Gudiyadda Nabadgelyadu.

4. Shacabka Somaliland waxaanu ku guubaabineyna in ay weydiiyaan xisbi kasta iyo murashax kasta halka ay arrintan ka taaganyihiin oo ay tixgeliyaan marka doorashooyinka yimaadaan ciddii xoojineysa cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda ee xorriyadaha distoorku kafaaloqaadanaya.

5. Maxkamada Sare iyo maxkamadaha kaleba waxaanu mar kale usoo jeedineyna in ay kasii daayaan xabsiyadda cid kasta oo si aan waafaqsaneyn xeerarka iyo Distoorka xabsi lagu xukumay.

Waxa xusid mudan in hadalo iska soo horjeeda ay Xukumadani ilaa intii ay jirtay ka sheegtay xeerarka ay u cuskaneyso awoodaha Gudiyadan Nabadgelyadda. Haddaba, Xukuumada waxaanu leenahay mar haddii aad cadeysateen in aydun Gudiyadan ku dhaqankooda sii wadaysaan, ummadda si cad oo qoran u tusa oo una faafiya qodobadda iyo Xeerarka aad leedihiin Gudiyadan awood garsoor bay leeyihiin. Kumaankunka qof ee xorriyadoodii Gudiyadani ka qaadeen, iyo ehelada dadkaasiba, xaq bay u leeyihiin in loo tuso si cad oo qoraal ah xeeraraka loo cuskaday. Tan kale, Guddoomiyaha Gobolku waa shaqaale dawladeed oo la mid ah agaasimaayasha iyo madaxda sare ee masuuliyiinta maamulka dawladda (public officers), waxaanu markaas xasuusineynaa in aanay arrimaha siyaasada xisbiyada iyo doorashooyinka faraha la gelin oo dhexdexaad siyaasada xisbiyada ka ahaadaan.

Uruka UDDAA wuxu aaminsanyahay in Gudiyada Nabadgelyadu sidan ay hadda dadka ay u xidhxidhayaan ay carqalad weyn ku tahay kobcinta cadaalada iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee dalkeenna, caqabadna ku tahay sumcada wadankeena iyo qadiyadeena.

Wa Bilaahi Tawfiiq

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role. For more information please visi http://www.uddaasomaliland.blogspot.com

Conveners : Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk ; Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

13 September 2009

Appeal to the Somaliland President & Vice-President: Resign so the nation can get back to its democratic journey



URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP


Date: 14 September 2009

Appeal to the Somaliland President & Vice-President: Resign so the nation can get back to its democratic journey

UDDAA and Other Somaliland Diaspora Organisation appeal to the President and the Vice-President to resign so that the nation can continue peacefully with its democratisation process.

We have been following, with ever increasing dismay, the delays in the presidential and local government elections and the continual constitutional and political crises over the last four years. We are appalled to see that the reputation of Somaliland as an oasis of peace and a country built on consensus and compromise slowly being dismantled. Our democratic journey is plainly off course; citizens are in our prisons without trials and numerous journalists have been detained and imprisoned. The judiciary is firmly under the control of the executive and the legislative has been emasculated by the executive, so much so that its doors have been literally locked on the order of the President.

In the last few weeks, the House of Representatives has finally decided to debate an impeachment motion, but this again escalated to a position where the House was closed down on the orders of the President. A promise by the President given to the Elders and traditional leaders that the Representatives will be allowed to get back to their premises was not carried out and consequently citizens incensed by the continued closure of the House were shot at on Saturday, 12 September. Two died and many were injured.

The Articles of Impeachment at the House of Representatives list some of the many alleged infringements of the Constitution and the law committed by the President and the Vice President. We will not rehearse these, but it is clear to everyone that these allegations and the recurring political and constitutional crises during the last few years have set the nation back.

The presidential election has been postponed to an indefinite date. We are now yet again at another impasse, but this time, with the already twice extended terms of office of the President and the Vice President, no further extension is acceptable legally or politically. Many of us considered these previous extensions as unconstitutional and the nation will not accept another extension even if the President manages to get it through the House of Elders.

We urge that the President/Vice President act well before the end of their extended term on 29 October 2009, and let the nation know of their resignation as soon as possible so that the constitutional caretaker President can take over with the sole brief, under Article 89(4) of the Constitution, of holding the presidential elections within 60 days.

We do not think that all the problems in Somaliland are caused by the leadership of the Executive, but to paraphrase another president, the “buck stops” with them. The presidential system of government we have chosen does not mean that without elections the incumbent President who has failed to hold elections on time should forever remain in power – that is dictatorship and not democracy. We also point out that President Rayaale had ample time – 5 years as Vice-President and 7 years as President – to shape the future of the nation and it is time he and the Vice President step aside and allow the country to get back on its tracks. History will, we believe, be kinder to both of them if they spare the nation further instability.

Finally:

* We ask all other Somaliland Diaspora Organisations to make the same appeal to the President and the Vice President, so we can save Somaliland from further chaos and destabilisation.
* We appeal to the friendly nations to facilitate the temporary constitutional transfer of power and to assist more boldly in both the forthcoming elections and in the provision of resources for capacity building and direct assistance to the Somaliland Parliament, so that, the latter can, for example, employ a civilian sergeant- at-arms in charge of the security of its meeting halls and premises.
* We urge all nations to assist Somaliland financially and diplomatically and to welcome it finally to the comity of nations so it can contribute more to the building of democracy, and peace and to combating of terrorism and piracy in the region.
* We send our condolences to the bereaved families in Hargeisa and our wishes to the injured. We urge the two Houses to set up as soon as practicable a joint committee to enquire into events of the last few days

Somaliland Organisations making this Appeal are:

1. UDDAA – Promotion of the Constitution Group

2. SIRAG

3. Somalilandlaw.com

4. Somaliland American Council

5. East Africa Policy Institute

6. Somaliland Democracy Watch Organization (SDWO)

7. Somaliland Overseas

8. The academic of Science and development

9 . Somaliland France association

10. Somaliland Business Forum

11. Somaliland Freedom of Expression Fund (Article 32)

12. Somaliland Women Diaspora

11. Somaliland Community of Minnesota
_____________________________________________________________
URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) – Promotion of the Constitution Group – is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role.

Convenors: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk ; Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

12 August 2009

Republic of Somaliland - Resolution of the House on 11th August 2009


REPUBLIC OF SOMALILAND

RESOLUTION OF THE HOUSE


The House of Representatives of the RSL

Having seen Article 9(1) and 9(2) of the Constitution

Having seen Article 37(2) of the Constitution

Having seen Article 38(1) and 38(3) of the Constitution

Having seen Law No. 20/2001, Law No. 37/2007 and their annexes

Having seen Article 27 of the House Rules of Procedure

Having seen The motion submitted to the House in connection with the legality of the decision of the Electoral Commission to set aside the outcome of the voter registration exercise, and having also heard the legal advice dated 1.8.2009 given by the House of Representatives Legal Adviser

Having heard The crux of the debate conducted by the honourable members and taking into consideration the majority view of the members who participated in the debate

Has Resolved that:

1. The decision of the National Electoral Commission of the Republic of Somaliland to propose an election not based on voter registration and to set aside the outcome of the voter registration exercise was unlawful and was beyond the powers of the National Electoral Commission.

2. The National Electoral Commission and the President of the Republic of Somaliland must, as soon as possible, rescind this decision and implement the Presidential and Local Councils Election Law (20/2001), the Voter Registration Law (37/2007) and their annexes.

Somali Version:

Go,aan Gole

Golaha wakiilada JSL

Markuu arkay Qod. 9aad ee dastuurka Faq. 1aad iyo 2aad

Markuu arkay Qod. 37aad ee dastuurka faq. 2aad

Markuu arkay Qod. 38aad ee dastuurka faqradiisa 1aad iyo 3aad

Markuu arkay xeerarka Xeerka lr. 20/2001, Xeerka Lr. 37/2007 iyo lifaaqyadooda

Markuu arkay Xeer Hoosaadka Golaha Qod. 37aad

Markuu arkay Arkay mooshinka Golaha la horkeenay eek u saabsanaa sharciyadda go,aanka Komishanku ku laalay natiijadii diiwaangelinta codbixyayaasha isla markaan dhegeystay taladii sharci ee sharci yaqaaanka Golaha Wakiilada ee ku taariikheysan 1.8.2009

Markuu Dhegeystay Nuxurkii doodii muadanyaasha txigeliyeyna soo jeedimihii aqlabiyadii mudanyaasha ee dooda ka qayb galay

Wuxuu go,aamiyey

1. In Go,aanka Guddida doorashooyinka Qaranka JSL ku jideeyeen doorasho bilaa diiwangelin ah kuna laaleen natiijada ka soo baxday diiwaangelinta codbixiyeyaasha yahay mid aan sharci ahayn kana baxsan awooda gudida doorashooyinka Qaranka.

2. In gudidda doorashooyinka qaranka iyo Madaxweynaha JSL sida ugu dakhsaha badan uga noqdaan go, aankaas kuna dhaqmaan xeerka Doorashada madaxtooyada iyo G/Deeganada (20/2001) iyo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha (37/2007) iyo lifaaqyadooda.

3. In Golaha Wakiilada JSL , isaga oo xilkiisa dastuuriga gudanaya, qaado talaabooyinka dastuurku u jeediyey haddii aan Madaxweynaha iyo Gudidda Doorashooyinka Qaranku fulin go,aankan Golaha ka soo baxay.

4. In xukuumadda Somaliland ka fogaato talaabo kasta oo xumeyn karta xidhiidhka beesha caalamiga iyo JSL , kuna dadaasho wanaajinta xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka si aanay u dhaawacmin rajada ictiraafka Somaliland iyo kaalmada kooban ee Somaliland ka hesho beesha caalamka.

03 August 2009

Statement (Bayaan) by UDAA and other Somaliland Diaspora groups listed below



URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP

Statement (Bayaan) by UDAA and other Somaliland Diaspora groups listed below

DATE: 03/08/2009

The Decisions of the Somaliland NEC and the President are Unlawful and Damaging to the Conduct of the Election and to the interests of Somaliland


Events to date

Like many other Somalilanders at home and abroad, we have watched with increasing dismay the long saga of the presidential election which has been postponed four times from its constitutionally ordained period[i] of April 2008. We were heartened now and again to see problems solved painstakingly through the Somaliland way of consultation, co-operation and consensus. The code of conduct was finally agreed on 11 July 2009 by the four sides (the three parties and the National Electoral Commission – NEC) and both Houses passed the amendments needed to align the old 2002 Electoral Law with the changes that have been made since in 2005 and in 2007[ii]. The next step, under the agreement between the NEC and the parties, was the production of the voters’ roll by 27 July 2009, which would mark the outcome of the $10m voter registration exercise and was to be followed by the start of the campaigning and the polling date of 27 September 2009.

The voters register (roll) was finally issued by the Interpeace[iii] on 27 July 2009. The two opposition parties accepted the announced roll outcome but the government party rejected it immediately. It is what happened at this stage that has plunged Somaliland, again, into both a constitutional/ legal and political crisis. Instead of continuing to solve the disagreement about the declared outcome of the voter registration process that started in October 2008, the NEC decided that the release of the list to all the parties was a cardinal crime and having met on 27 July 2009:

Resolved, by a majority vote of 4 out of 7 to set aside the voter registration exercise and hold the presidential election without a voters’ register;

ordered that legal expert, Mr Robin Zamora of Interpeace who has been helping this NEC (and its predecessor) be “declared persona non grata” and expelled immediately from the country; and

threatened, in a publicly broadcasted interview, that any presidential candidate that does not comply with their edict will be disqualified.

As the NEC immediately passed its resolutions to the President, the latter in turn implemented them and added that he no longer needs the donors’ promised funds (amounting to millions of dollars) for the election.

UDDA and the other Somaliland organisations signing this statement believe that these precipitate and joint actions taken by the NEC and the President, who is after all the Chairman of the third party and a prospective candidate, are not only contrary to the electoral and public laws of the country but are also extremely damaging to Somaliland’s interests and to the standing and reputation of the Somaliland NEC.

The rule of law

1. The rule of law is the cornerstone of the Somaliland Constitution and the President and the NEC must abide by the laws of the country. Simply put, neither the NEC nor the President can unilaterally or bilaterally announce that the election will be held without voter registration. Since the passage of the Voter Registration Act 2007 on 8 July 2007, no voting in Somaliland could take place without voter registration. Article 30 of the Law states unequivocally that for anyone to exercise his right to vote, he must do so, with his voting card, at the relevant polling station, and Article 41 made null and void any other previous laws or provisions which are in conflict with this Law.

2. The fact that the 2002 Presidential and Local Councils Election Law needed amendments to bring it in line with the changes made by both the 2007 Registration Law and also 2005 (House of Representatives) Election Law does not mean that, without repealing or amending the Registration Law itself, we can simply go back to the position of the 2002 Law at the behest of the President, let alone the NEC.

3. Although the amending bill to update the 2002 Law was passed by both Houses recently, no announcement has been made yet that it has been signed by the President and published in the official journal (as set out in Article 66(2) of the bill) to bring it into force. Some pro-government supporters stated that the bill contains an Article 67 which somehow allows election without voter registration, but the bill (as confirmed by the House of Representatives[iv]) consists of only 66 articles.

4. Article 66(1) of the new bill simply confirms that the amendments shall be used only in every election held in Somaliland under the voter registration system[v] and does not, in any way, amend or qualify the Voter Registration Law. This is understandable as the whole objective of the amending bill was to align the 2002 Law with the newer laws and not the other way round.

5. As neither the amending law nor the Voter Registration Law set out the procedures and circumstances when an election without voter registration can be held, then any decision about setting aside the 2007 Law, even for temporary period, is one that can only be made through a clear amending law passed by both Houses and the President. There is nothing in the recent amending bill which says that the decision about the validity or otherwise of the voter registration will be made by the NEC or the President.

6. In any case, it is a fundamental statutory duty of the NEC, especially under the Voter Registration Law, to register all potential voters and hold elections based on an electoral register/roll. No public body in any country that we are aware of has the power, on its own, to divest itself of a statutory duty that it was entrusted with and then insist also that its decision must be binding on all other affected organisations.

7. If the Commission was simply making a recommendation, why has it not discussed it fully with all the political parties and the donor bodies and seek a consensus? Why did it report to the President only and insisted that the opposition parties must fall in line? it has become custom and practice and an obligation under Article 9(1) of the Constitution (co-operation) that any such proposals affecting the parties or the elections should be discussed with the political parties and with others before any decision can be made even if the latter still required parliamentary and presidential approval.

The NEC

Above all the NEC, by law, must not only be impartial (Article 11(6) of the 2002 Law), but must also seen to be impartial. The NEC members were clearly aware that the three parties held different views about the likely outcome of the voter registration exercise and would have known that the best way to proceed in these circumstances was to engage, as usual, in detailed consultations and discussions before a consensus can be reached. This was the approach the NEC has followed before and was “codified” in the various four way agreements with the three parties. The NEC members could not therefore have been unaware that a decision on such an important issue made with the agreement of Chairman of one of one the parties could be seen as anything but partial. In these circumstances, one can only conclude that the NEC was:

a) neither contrite about its failure (no doubt shared by others) to oversee a fully successful voter registration exercise;

b) nor interested in leaving room for all the possible options to be examined with the continued advice and help from Interpeace and from the donor countries; and

c) totally indifferent to how the opposition parties and the public view its impartiality.

Conclusion and recommendations

We are seriously concerned that yet again we are facing another crisis based on precipitate actions taken by a public body (the NEC) and the government. At a time of financial difficulties worldwide and in the light of the long delays in the payment government’s contribution to the electoral expenses so far, we cannot understand how Somaliland government could so easily reject offers of millions of dollars from the donors.

Yet again we also hear that anyone who objects to these latest edicts is working against the interests of Somaliland. The fact that we have been the subject of no less two international reports[vi] about the government’s human rights record this year is also linked to this malaise and we have witnessed only recently the imprisonment of radio journalists and the closure of a television station at an election time when the media ought to be allowed to play its important role.

We make the following recommendations so that free and fair elections can be held soon:

The President

We earnestly urge the President to rescind the expulsion order of Interpeace and arrange a meeting of Interpeace, representatives of the donors and the parties to mend fences.

We ask that the President and Chairman of UDUB initiates immediately a genuine discussion on how an election based on the declared registration can be held with the added safeguards of the use of ink marking, UV rays, tighter control of travelling, more polling staff/temporary booths in each polling station etc. In Malawi, which was mentioned by the President, similar difficulties were faced in 2008/9 in the new registration procedure, but the unverified outcome of the registration was still used for the elections.

We urge the President to issue a decree ending the extra judicial activities of the security committees and declaring that any one accused of a crime be brought to a court of law in line with the constitution and laws of the land.

A free and vibrant press and media are essential for democracy and we urge that we urge that, in these election months, the Press Law should be followed.

The NEC

We believe that the NEC (or some of its members) acted unlawfully and have jeopardised the conduct of the election to the extent that one party is already threatening not to work with them. We think that their your actions, especially those of the Chairman and Vice-Chairman meet the test of impeachable offences under Article 63 of the 2005 Law. The NEC has lost the confidence of two of the three parties. It has been proposed before, not least by the donor bodies, that some of the NEC members were not up to the job. We did not support these proposals out of concern for any likely delays in the election. We are sad to admit that we were wrong. We appeal to the current Chairman and Deputy Chairman to act responsibly and re-consider their position as commissioners now.

We urge the rest of the NEC to re-establish quickly working relationships with all the parties and with Interpeace.

Parliament

We support fully the joint statement issued by Chairmen of both Houses of Parliament.

We ask that both Houses pass resolutions about the actions of the NEC and the President. Whatever the final wording of these resolutions may be, it is important that both Houses debate such resolutions. Parliament has a voice and must be heard.

We believe that holding an election without voter registration requires the endorsement of both Houses through a change in the law. Parliament must insist that it should be consulted and convinced of the advantages, if any, for such a change at this juncture.

We believe that the shortcomings of the declared voter register/roll can be ameliorated by measures to stop multiple or under age voting. We are not the first country that faced difficulties with voter registration, and the answer is to build on what has been done so far.

(Medium term) We urge both Houses to set up a joint committee to study what has gone wrong over the last few weeks and also with the whole voter registration process. We suggest that you seek the full co-operation of the donors in your investigation and ask them to provide finance for an independent audit on the conduct of the registration procedure and to ensure that Interpeace officials provide evidence and testimony on their dealings with the NEC with a view to learning from the experience.

Civil Society

We urge all civil society groups to monitor the progress and conduct of the elections. The public has every right to see that their government, NEC and political parties act in accordance with the law and constitution. Above all whilst acting peacefully and in accordance with the laws and instructions of public officials, civil society groups should record and report any infringements of their rights to the proper authorities/ parties.

13. We are all proud of maintaining our peace and should continue to do so. We must also safeguard the fundamental rights and freedoms enshrined in our Constitution.

Diaspora groups

14. We urge all Diaspora groups to contribute more in the monitoring the conduct of the elections and in human rights and democracy issues. The support for a specific party should not stop us from protecting the wider public interest.

Accountability

15. We remind all government and public officials that they are accountable to the public - impunity is no longer acceptable.

Somaliland organisations making this statement:

1. UDDAA – Promotion of the Constitution Group

2. SIRAG

3. Somalilandlaw. com

4. Somaliland American Council

5. East Africa Policy Institute

6. Somaliland Democracy Watch Organisation (SDWO)

7. Somaliland Overseas


URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role.

Convenors: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co. uk ; Khadar Ali Gaas somalilander_ 1@yahoo.co. uk

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandl aw.com

--------------------------------------------------------------------------------

[i] Article 83(2) and 88(1).

[ii] The 2005 House of Representative Election Law and the 2007 Voter Registration Law

[iii] The agency funded by International donors to assist Somaliland in the voter registration and the election.

[iv] See copy (in Somali) at www.somalilandlaw. com .

[v] In Somali “Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista xeerka Doorashooyinka Lr. 20/2001, waxa loo adeegsan karaa oo keliya doorasho kasta oo ku salaysan nidaamka doorasho ee cod-bixiyayaashu diiwaan-gashan yihiin ee laga qabto dalka JSL.”.

[vi] Amnesty International and Human Rights Watch.

05 May 2009

"Heshiiskani waa Madax oo waa in Jidh iyo Minjo loogu dara si uu u Socdo "UDDAA

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

Warsaxaafadeed Taariikh: 04/05/2009

Ururka Daryeelka Distoorka Somaliland (UDDAA) oo ah koox-cadaadis (pressure group) oo ay isugu yimaadeen xubno qurbo-joog eh ayaa waxa uu ku bogaadinayaa Guddida Dhexaadinta dedaalka ay ka galeen isu soodhaweynta xisbiyadda qaranka iyo Madaxweynaha si khilaafkii ka taagnaa dib udhaca doorashada Madaxeynaha iyo muddo kordhintii loo bilaabo xalintiisa. Guddido way ku mahadsantay qodobadda guud ee soo saartay oo ay aqbaleen 3da xisbi iyo Madaxweynuba. Kuwaasi sida heeshiisyadda caynkanoo kale ah waa uun madaxa heeshiiska (heads of agreement) ee waa in jidh iyo minjaba lagu daraa si hesshiisku u socdo oo loogu dhaqmo.

Si loogu guntamo hirgelinta heshiiskan, UDDAA hadaanu nahay waxaanu soo jeedineyna arrimahan.

Mas’uuliyadda hirgelinta

1. Mas’uuliyadda hirgelinta heshiiskan waxay saarantahay Madaxweynaha, Baarlamaanka, Guddida Doorashooyinka iyo xisbiyadda oo mid weliba hawshiisa kasoo baxo. Ilaa inta doorashado dhaceyso, waa in Guddida Dhexdhexaadintu ay bishiiba mar soo saartaa bayaan cadeynaya geedi socodka talaabooyinka lagu hirgelinayo qodobada heshiiskan.

2. Xukuumaddu Xeerarka looga bahanyahay in heshiiskan lagu hirgeliyo waa in ay soo bandhigtaa iyadoo tixgelinayasa aaraa’da xisbiyadda, dhanqangelineysana nuxurka iyo ujeedooyinka heshiiska.

3. Gudida Arrimaha Gudaha ee Golaha Waakilda waa in ay iyana bil kasta raad raacan arrintan oo ku guubaabiyaan cid kasta soo dhameystirka hawlaha lagu hirgelino heshiiska.

Kordhinta mudada xilka M/weynaha

4. Waa laysku wada raacay hadda in muddo kordin dambe oo ay Guurtidu xukuumdan u sameeyso in aanay jireyn. Anagoo horeba u qabnay in Q.83aad ee Distoorka ee Guurtidu dhowr jeer oo hore u cuskatay muddo kordhinta xilka M/weynaha aanu sax ahayn marnaba aanay nabagelyo xumo doorashada dib-u-dhigin, waxaa go’aankan hadda laysku raacay lagu sharciyen karaa iyadoo dib loogu noqdo nuxurka asliga ee Q.83aad.

5. Haddaba waxaanu soo jeedineyna in si deg deg ah Xukumadu (iyo xubnaha Golaha Wakiildu) ay soo hordhigaan Golaha Wakiilada xeerkan kooban oo qoraalkan ku lifaaqan. Xeerkan oo ku saleysan Distoorku waxaanu fileynaa in uu ka saaro ayo xisbiyadda iyo umadda welwelka laga qaabo kordhsiimooyinka muddada xilka M/weynahan iyoo kuwii kale ee ku guuleysta doorashada.

6. Waanu soo dhawyneyna hadalakii Gudoomiyihi hore ee Gudida Joogta ah ee Guurtida, Xaaji Cabdi Waraabe, ee uu ku yidhi kordhin dambe ma dhaceyso. Xaajiga iyo Guurtida sharafta leh waxaanu ka codsaneyna in ay Xeerkan oo qowlkan raacaya ay si deg deg ah u ansixiyaan. Guurtidu waa Gole qaran, Xeerkani sumacadooda kor u qaadid mooye, waxba u dhimi waayo.

Mudadda doorashooyinka

7. Si loo fuliyo go’aanka Guddida Dhexdhexaadinta ee ah in olalaha doorahsadu ka horreyo bisha Ramadaan, lagama maarmayo in lasoo saaro xeer u gaar ah doorashadan oo wax ka bedelaya Qod.28aad ee Xeeraka Doorashooyinka (No. 20/2001) oo hadda odhanaya waa in bil ka hore taarikhda doorashada la bilaabo, la dhameeyana 2 cisho ka hore taariikhdaas.

8. Aad baanu usoo dhaweyneynaa go’aanka Guddida ee waqtiga cad u dhighay Guddida Doorashooyinka in ay soo dhameeyaan arrintan Kaydiyaha Kombuutarada (Server). Haddii waqti-hawleedka doorashada (Election Time-line) uu cidhiidhi noqdo, waxaanu kalo soo jeedineyna in mudada labada bilood ah ee u ku qoran Qod.10aad ee Lifaaqa Xeerka Diwaangelinta Codbixiyaasha wax laga bedalo oo mudada la yareeyo, laguna daro in liisaska oo qoraal ah aad loo baahiyo oo buugag yar oo la daabaco loo qabiyo goobaha doorashada ka sokow, meelaha kale ee oo dadweynuhu ka arki karaan, laguna guubabiyo xisbiyadda iyo bulshada in ay ahmiyad gaar saran faafinta liisaskan.

Guddida doorashooyinka

9. In kastoo aynu aragnay dhaliilada Guddidan, bedelaada kuligoodba maaha mid sharciyan iyo waqtigan cayiman hirgelikarta oo maaha talaabo aanu kula talineyno hay’adaha ay khuseyso. Waxaanu soo jeedineyna in si deg deg ah losoo celiyo Qoobkii 30aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr.20-2/2005) ee labadda xubnood ku daray Guddida, laakin labda xubnood ay soo magacaabaan labad xisbi ee hadda mucaaridka. M/weynhu oo ahna Gudoomiye xisbi wuxuu weli xaq u leeyahay in uu magacaabo saddax xubnood oo weli waa ka sadweynyahay gudoomiyaasha labada kale xisbi qaran.

Tilmaamaha Hab-dhaqanka (Code of Conduct)

10. Guddida Doorashooyinka iyo xisbiyadu waa in si deg deg ah u dhameeyaan Tilmaamaha hab-dhaqanka (Code of Conduct) ee lagu isticmaalayo Doorashada Madaxtooyadda. Si taasi u hirgasho, sidii horeyna laga xoojiyo, waxaanu soo jeedineyna in:

a) La raaco Tilmaamihii (Code) lasoo saaray 2005ki ee doorashaddii Golaha Wakiiladda ka hor oo aan dib loogu noqon kii 2002kii.

b) In laysku raaco in Qodobada ku jira Xeerka Doorashad 2005 oo aan ku jirin kii 2002ga, ayna ka mid yihiin Qod.26aad ee isticmaalka hantida qaranka, oo ay keentay waayo aragnimo lagu daro Tilmaamahan.

c) In haddii aanu Golaha Wakiiladu Xeerkii 2002ka waafajineyn kii ka dambeyey ee 2005ka, laysku raaco in Qaybta VIIaad Xeerka 2005 ee ku saabsan ku xadgudubka xeerka iyo nidaamka doorashada iyo awoodaha lagusiiyay arrintan muhimka ah Guddida Doorashooyinka ay ku daraan tilmaamaha so llogu isticmaalo doorashada Madaxtooyada iyo tan Golayaasha Degmooyinka.

11. Waxaaba intaas kasii haboon in Baarlamanku soo saaraan Xeer gaaban oo arrimihii cusbaa ee muhimka ahaa ee lagu daray Xeerka 2005ka lagu kordhiyo Xeerkii hore ee 2002kii, laguna doro qodob cusub oo

a) si cad awood siinaya Guddida Doorashooyinka in ay soo saaran Tilmaamo Habdhaqanka (codes of conduct) marka ay la tashadaan xisbiyadda;

b) ayna dhisaan Guddi joogta ah oo kormeerta doorashooyinka (Election Monitoring Board), xoghayn joogta ahna kule Xafiiska Guud ee Guddida Doorashooyinka;

c) guddidaas oo daba gashana hab dhaqnaka doorashooyinka, baadhisna ku sameysa oo go’aano soo jeedisa ku saabsan ku xadgudubka xeerarka iyo tilmaamaha iyo talaabooyinka anshax marinta ee Guddida Doorashooyinku is ka qaadi karto xisbiyadda sida ku xusan Qod.64aad ee Xeerka 2005.

Warbaahinata Qaranka

12. War baahinta xorta ah ee muwaadiinto leeyihiin iyo warbaahinta ummada leedahay oo aan dawaldi ama kooxi xukumin waa astaamahaa kowaad ee xorriyadda ra’yi dhiibashada ee ditoorkeenu kafaala qaaday. Doorashada ka dib waa in aynu soo saarna xeerar cusub oo arrimahan habeeya, waxaana soo jeedineynaa in Guddida Koormeerka Doorashooyinka loo xilsaaro u sinaanta 3da xisbi warbaahinta umadda leedahay. Waa in loo badidoona Guddida kharash ugu filan in ay muddada olalaha iyo labda bilood ee ka horeeya ay qortaan koox jaamicadeed oo maalinkasta darista istimaalka warbaahintaas.

Hantida Qaranka iyo Xeerka

13. Dabagalka isticmaalka hantida qaranakana waa in Guddida Koormeerka iyana loo xilsaara.

14. Isticmaalka hantida ummada ee xildhibaan dawladeed u adeegsado hawlaha xisbi waa dembi ku cad Qod 241aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, oo waa in cid kasta oo arrimahas aragtaa ay gaadhsiiso Guddida iyo Xeer Ilaalinta.

15. Habka dawladeeno waa mid ku saleeysam Madaxtooyo (Presidential) ee maaha mid Baarlamaani ah (Parliamentary). Sidaas awgeed, wasiiradu iyo wasiir-ku-xigeenadu maaha siyaasiyiin ee xildhibaanno dawladeed (public officers). Xildhibaanadaasi waa u furantahy in dawlada barnaamijkeeda ay ka hadlaan oo horumariyaan, laakiin maaha in ay siyaaasad xisbi u ololeeyaan. Xitaa wadamadda wasiiradu ay ka mid yihiin baarlamaanka, waxay leeyihiin xeer kala cadeeya hawshooda wasiirnimo iyo hawshooda ku saabsan xubinnamadooda baarlamaanka iyo xisbigooda. Waxaano soo jeedineyna in si deg deg loogu daro Tilmaamaha Doorashooyink (Code of Conduct) dhaqanka laga filayo wasiiradda iyo ku-xigeenadooda muddada doorashooyinka iyo ka horba.

16. Dhamaan shaqaalaha dawlada, heer kasta ha ahaadeen waa in aanay hantida iyo gaadiidka qarankana u ogalaan in cidina ku isticmaasho arrimo xisbi u gaar ah. Shaqaalaha Sare (oo heerka agaasime iyo wixii ka sareeya ah) ee Dawladda Dhexe iyo degmooyinka oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaasha Gobolada (badhasaabada), iyo madaxda wasaaradaha, wakaaldaha iyo laamaha kale ee qaranka waa shardi in aanay ka qaybgelin ololayaasha xisbiyadda, taasi oo dhexdhexaadnimadooda wax u dhimeysa.

Xorriyada Asxaabta iyo Hawlahooda

17. Xisbiyadu xuquuq bay leeyihiin Distoorka iyo Xeerka Ururada uu kafaalo qaaday. Haddii dawaladu ay ku xadgudubtu xuqquqdoodaas, doorasho xalaala lama helayo. Waxaanu soo jeedineyna in lagu daro Tilmaamaha Habdhaqanka Doorashada hab xisbiyadu ay uga cabankaran ku-xadabgudubyadaa caynkaasa.

Xorriyadaha aasasiga ee dadweynaha

18. Waxaanu intaas ku dareyna in muwaadin kasta uu leeyahay xorriyaddu iyo xuquuq aasaasi ah oo ay ka mid yihin xaqa ra’yi dhiibashada iyo xuquuqda dheqdhaqaaqa iyo abaabulka. In kastoo uu distoorkeeno hadda ogalyahay 3 xisbi qaran oo keliya, ma uu xaddidin xuquuqdaas kale ee muaadinka. UDDAA hadaani nahay, waxaanu leenahay ha loo daayo umudda xuqquqdooda, Distoorkana halaga daayo daandaansiga.

19. Shacbiweynaha reer Somaliland ee had iyo jeer u heelan ilaalinta qaranimada dalkoodana waxaanu ugu baaqaynayaa in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida dalkooda hooyo oo maanta ah ta caalamku inagu ixtiraamo, iyo ilaalinta xuquuqdooda ay usoo dagaalameen.

Ururka daryeelka Distoorka (UDDAA)

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)
- Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role.



Convenors: Lulu Farah uddaasomaliland@gmail.com ; Khadar Ali Gaas uddaasomaliland@gmail.com

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

Website: http://www.uddaasomaliland.blogspot.com/



Warsaxaafadeed Taariikh: 03/05/2009

LIFAAQ:

Xeerka Dhammaadka Muddada Xilka Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa

Xeer Lam ……..

Golaha Wakiilada ee JSL

Aaraar…

-------

Wuxuu ansixiyey Xeerkan:

Qod 1: Baahida xeerkan

Xeerkan waxaa lagu dhaqmayaa marka ay doorashadu Madaxweynaha iyo Ku-geenka Madaxweynahu aanay dhicin waqtiga ku caymin Q.83(2)aad ee Distoorka, bil ka hore dhammaadka muddada 5ta sano ee xilkooda, amaba dammaadka 5ta sano.

Qod. 2: Kordhinta distoorka ku cayiman

Si aan shaki u galin (for the avoidance of doubt), waxa Xeerkani caddeynayaa in Q.83(5)aad ee Distoorka ee ku saabsan kordhinta muddada xilka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu uu ku xaddidanyahay oo keliya marka ay dhammaato muddada xilkooda ee 5ta sano oo doorashaduno ay u dhiciweydu duruufo la xidhiidha nabadgelyada awgeed oo kaliya, islamarkaan aannu Qodabkani saameyn kulahayn doorashada oo sababo kale u dhiciweyday.

Qod. 3: Marxaladaha ka baxsan Q.83(5) ee distoorka

Marka ay u caddaato Guddiga doorashooyinka, iyago la tashaday xisbiyada, in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu aanay dhacayn gudaha muddada xilkooda ee 5ta sano ah iyo, waqtiga Xeerkan ka hor wixii muddo kordhin ah ee loogu daray, waxay u soo gudbinyaan Madaxweynaha iyo Shirguddoonka labada Gole qoraal rasmi ah oo caddaynaya sababta ay doorashadu u qabsoomi weyday iyo taariikhda ay filyaan in ay qabsoonto.

Qod. 4: Guddi gaar ah

Marka ay Shir Guddoonka labada Gole helaan caddaymaha Guddiga Doorashooyinka, dib-u-dhaca doorashadana aanay keenin duruufo la xidhiidha nabadgelyada, waxay si deg deg ah u xulayaan Guddi gaar ah oo ka kooban min 5 xubnood oo labada Gole ah, oo ka baarandega caddaymaha Guddiga Doorashooyinka, maqlana aaraa’da xisbiyada iyo urrurada waaweyn ee bulshada ee ku saabsan sida ugu habboon ee wadanku u lahaanayo xukun ku meel gaadh ah oo gaadhsiiya doorasho xor iyo xalaal ah. Guddigu waa in ay muddo cayiman ku gaadhsiiyaan labada Gole warbixintooda oo ay ka muuqdaan soo-jeedinno

Qod. 5: Laba Gole ee baarlamaanka

1. Iyagoo raacaya habka dawladeed ee Distoorku dhigayo, fiiriniyana muddada lagu qaban karo doorasho xor iyo xalaal ah, tixgelinayana dhexdhexaadnimada loo bahanyahay iyo xasilloonida waddanka muddadaas ayey labada Gole shir ay u dhanyihiin (joint meeting) go’aan kaga soo saarayaan habka xukuummada-ku-meel gaadhka ah ee ugu habboon iyo muddada xilkeeda.

2. Go’aanka labada Gole ee arrintan waxa lagu gaadhayaa habka cod dheeriga ku saleysan tirada kuraasta labada Gole (absolute majority) ee markaas aan bannaanayn, waana la socodsiinya cod bixinta ilaa go’aan laga gaadho soo jeedimada ay Guddida gaarka ahi ay soo hordhigtey Golayaasha.

Qod. 6: Xukuumad ku-meel-gaadh

1. Xukumaddaas ku-meel-gaadhka ah waxay dhaqan gelaysaa maalinta ku xigta dhammaadaka muddada xilka Madaxwaynaha iyo Ku-xigeenkiisu ay dhammaato ee 5ta sano (ama, Xeerkan ka hor, muddada korodhsiimada ah). Xukuumaddan waajibkeeda ugu weyn waa hirgelinta doorashada, awoodna uma laha in ay gasho kharash ka baxsan miisaaniyadda la ansixiyey ama bilowdo mushruucyo cusub ama gasho heshiisyo caalami ah oo cusub iyada oo aan hor hordhigin Golaha Wakiillada.

2. Xukuumaddan waa in ay labadii biloodba mar warbixin buuxda oo ku saabsan hab socodka hawlaha doorashada u gudbiyaan labada shirgudoon.

Qod. 7: Waqtiga doorashada ee mudda kordhinta iyo tan ku meel gaadhka ah

1. Si aan shaki u galin (for the avoidance of doubt) Q.83(2)aad ee Distoorka ee sheegaya in doorashada Madaxweynha iyo Ku- xigeenkiisa la qabto bil ka hor dhammaadka xilkooda waxa xeerkan lagu caddaynayaa in uu ku koobanyahay uun muddada 5ta sano ee loo doortay.

2. Muddadaas 5ta sano ah wixi ka dambeeya, doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dib udhacda, waxa waqtigeeda cayimaya Guddiga doorashooyinka, marka ay la tashadaan xisbiyada Qaranka. Faqradani saameyn kuma laha Qod.8aad ee Xeerka Doorashooyinka ee Madaxweynaha iyo Goleyaasha Degmooyinka (Xeer Lr. 20/2001) oo aan ahayn kordhinta lagu kordhiyay waajibka ka saaraan Guddida in ay, mar kasta, la tashadaan xisbiyadda ka hore inta aanay cayimin taariikhda qabashada doorashada.

3. Mudda ka baxsan 5ta sanno ee xilka Madaxwynaha iyo Ku xigeenkiisa, Guddida Doorashooyinka waxa ku waajib ah in ay raacaan habka ku xusan Q. 3aad ee Xeerkan haddii ay muuqato in doorashadu qabsoomi karto taariikh ka duwan tii hore ay u cayimeen. Haddii taariikhdaas ay ka dambeyneyso tii hore, labada Gole waxay raacyaan habka Xeerkan ku xusan. Haddii ay kasoo horreynasna, doorashada taariikhdaas ayaa la qabanaya, xilkana waxay ku-guuleytayaashu la wareeygayaan subaxda ku xigta maalinta muddada xilalka cidda heysaa ay dhammaato.

Qod. 8: Dhaqangalka xeerka

1. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa taariikda uu Madaxweynuhuna sexeexo, ka dib marka ay labada Gole ansixyaan.

2. Xeer kasta oo ama qoddobo xeer ee ka soo horjeeda Xeerkan waa la buriyey.

05 April 2009

URURKA DARYEELKA DASTOORKA (UDDAA)


URURKA DARYEELKA DASTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. The sovereignty and  independence of Somaliland, democracy, the rule of law, separation of powers and the fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the importance of protecting the constitutional order of Somaliland and of promoting the  principles of the constitution and its correct implementation.  We shall continue to campaign for the strengthening of an independent judiciary that can fulfil confidently its constitutional role.

Convenors:
Khadar Ali
Lulu Farah
Advisor:
Ibrahim Hashi