Pages

02 December 2009

Xukunada Guddiyada Nabadgalyadu waa Xaaraan iyo Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta, waxaanay dhaawacaysaa sumcaddii Somaliland


URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP



WAR SAXAAFADEED: 30 Noofembar 2009

Xukunada Guddiyada Nabadgalyadu waa Xaaraan iyo Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta, waxaanay dhaawacaysaa sumcaddii Somaliland



Ururka Daryeelka Distoorka Somaliland (UDDAA) wuxu mudaba ku guubaaninayey Xukuumadda Somaliland in ay joojiso xukunada lidka ku ah Distoorka Somaliland ee ay go'amiyaan Gudiyadda Nabadgelyadu, waxa urukan markale la yaab ku noqotay hadalada dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodi-Jeex, Maxamed Cabdi Daa’uud, ee uu ku tilmaamay Guddiyadan kuwo sharciga iyo dastuurka dalka waafaqsan. Guddoomiyaha oo isla markana ah gudoomiyaha Gudida Nabadgelyada ee gobolka, wuxu hadlakiisani ka markhaati kacayaa in xukuumadu ay ku adkeysaneyso in ay sii wadi doonto xidhxidhida dadka badan ee gudiyadani xabsiga u taxaabaan iyada oon maxkamad sharci ah lasoo hortaagin.

Waxaanu xasuusineyna ummadda oo dhan in aanay ilaawin muwaadiniinta weli lagu cabudhinayo xeerarkii ka hadhay kali taliskii haligmay, iyadoo maanta suuro gal inoo tahay inaynu cidii danbi gasha la marin karo laamaha caddaladda iyo maxkamad sharci ah. Ma jirto cid diiddani hawlaha la xidhiidha sugidda nabadgeyada ee Gudiyadani u xilsaaraniyiin, laakin xaq uma laha in ay maroorsadaan awoodihii maxkamadaha, waanan ka xunahay in maxkamadihii difaaci lahaa awoodahooda garsooreed iyo xuquuqda distoorku muwaadininta siiyey ay ilaa hadda ka gaabsadeen in ay xabsiyadda ka sii daayaan dadkan Gudiyadu iska xidheen.

Ururka UDDAA iyo ummadaba wey u muuqataa in xukuumadani aanay ka damqaneyn ku xadgudubka xuquuqda muwaadiniintan ay Gudiyadani iska xidheen. Taas waxaa u dheer in aad moodo in aanay dan ka lahayn magac xumida arrimahani u keeneen sumcada Somaliland iyo xeer ku dhaqanka (rule of law) ee aynu ku faano. Sannadakan 2009 aynu ku jirno oo kaliya waxaa cambaareeyey xukunnadda ay ridaan Gudiyadan Nabadgelyadu ugu yaraan 3 hay’adood oo caalami ah oo warbixinadooda aduunka oo dhan laga akhristay. Kuwaas oo kala ah:

1. Warbixinta Sannad kasta ee ku saabsan xuquuqda aadimiga ee ay soo sarto Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Mareykanka (US State Dept Human Rights Report 2008) oo soo baxay 25kii February 2009:

http://www.state. gov/g/drl/ rls/hrrpt/ 2008/af/119024. htm.

2. Haya’da caalimga ah ee Amnesty International oo warbixin gaar ah kasoo saartay Somaliland 17kii March 2009: http://www.amnesty. org/en/library/ info/AFR52/ 001/2009/ en

3. Haya’da caalimga ah ee Human Rights Watch oo soo saartay warbixin gaar ah oo ku saabsan Somaliland 13kii July ee 2009: http://www.hrw. org/en/news/ 2009/07/13/ somaliland- fragile-democrac y-under-threat

Kuwan ka hor, Qaramada Midoobay (QM) Ergeyga madaxbanaan ee u xilsaaran arimaha xuquuqda aadamiga Somaliland iyo Soomalalya dhowr jeer ayuu xukunadan Gudiyadda Nabadgelyada Somaliland ka hadlay, waxaana ka mid ah warbixintii uu u gudbiyey QM bishii March 2008kii:

http://www.universa lhumanrightsinde x.org/documents/ 863/1346/ document/ en/pdf/text. pdf

Bal aynu soo qaadano warbixintii Hay’adda Human Rights Watch oo tidhi:

“Xoghayaha Gudida Nabadgelyada ee Gobolka Hargeysa [Cabdisalaam Cali Nuur] wuxuu noo sheegay in Gudidiiso xidhay sanadkii 2008 iyo bilowgii 2009kii 249 qof. Markii Human Rights Watch tageen xabsiga Maandheere bishii Maarso 2009, shaqaalaha xabsiga ayaa u cadeeyey in 554kii maxbuus ay 300 xabsi ku xukuntay Gudida Gobolka Hargeysa.” (bogga 29aad ee warbixinta)

Warbixinto waxay kaloo sheegtay in Hay’adu ay la kulantay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hargeysa iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer horaantii sannadkan, waxaanay tidhi Gudiyadu iskumaba dayaan in ay xuquuqda dadka gebi ahaanba tixgeliyaan. Tusaale ahaan bishii February 2009, Gudida Togdheer waxay xabsiga u taxaabisay ila 150 qof oo ay mar kaliya xukun 6 bilood ah ku xukuntay.

Hore ayaanu anaga, iyo Ururo kale oo badani uga codsanay xukuumadu in ay joojiso xukunaddan Gudiyadani go'amiyaan. Haddaba hadalakan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hargeysa wuxu uun sii cadeynayaa in xukumadani ay maroorsigii awoodaha garsoorka halkii uun kasii wadidoonto. UDDAA waxay so jeedineysaa in:

1. Xisbiyada iyo murashixiinta doorashooyinka soo socdaa, heer kastaba, waa ina ay ;

a) Si cad oon madmadaw ku jirin u balanqaadaan in ay Gudiyadan ka joojin doonaan

awoodahan ay shaqadii Waaxda Garsoorka ka maroorsadeen;

b) Kuna dhawaaqaan in ay xabsiga kasii deyn doonaan cid kasta oo u xidhan Gudi Nabadgelyo, qofkii denbi Xeerarka ku cad galeyna maxkamad si deg deg ah markiiba loo hor keeni doono.

2. Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida waa in ay so saaraan xeer gaaban:

a) Oo cadeynaya in qof kasta oo dembi lagu tuhumo la mariyo wadooyinka Xeerarka Ciqaabta iyo Habka Ciqaabta ay dhigayaan oo cid aan Booliska, xeerilaalinta iyo maxkamadaha aheyni aanay awood u laheyn in muwaadiniinta xabsiga u taxaabaan ; Gudiyada Nabadgelyaduna ay ku ekaadaan hawlaha guud ee sugidda nabadgelyadda.

B) In ciddii xorriyadda qofka u duudsida si aan sharciga waafaqsaneyn uu mutaysanyo ciqaab sida ku qoran Qodobka 27(9) ee Distoorka Somaliland.

3. Ururada rayidka ahi waa in ay ka war hayaan oo u halgamaan dadka ay xidhaan Gudiyadda Nabadgelyadu.

4. Shacabka Somaliland waxaanu ku guubaabineyna in ay weydiiyaan xisbi kasta iyo murashax kasta halka ay arrintan ka taaganyihiin oo ay tixgeliyaan marka doorashooyinka yimaadaan ciddii xoojineysa cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda ee xorriyadaha distoorku kafaaloqaadanaya.

5. Maxkamada Sare iyo maxkamadaha kaleba waxaanu mar kale usoo jeedineyna in ay kasii daayaan xabsiyadda cid kasta oo si aan waafaqsaneyn xeerarka iyo Distoorka xabsi lagu xukumay.

Waxa xusid mudan in hadalo iska soo horjeeda ay Xukumadani ilaa intii ay jirtay ka sheegtay xeerarka ay u cuskaneyso awoodaha Gudiyadan Nabadgelyadda. Haddaba, Xukuumada waxaanu leenahay mar haddii aad cadeysateen in aydun Gudiyadan ku dhaqankooda sii wadaysaan, ummadda si cad oo qoran u tusa oo una faafiya qodobadda iyo Xeerarka aad leedihiin Gudiyadan awood garsoor bay leeyihiin. Kumaankunka qof ee xorriyadoodii Gudiyadani ka qaadeen, iyo ehelada dadkaasiba, xaq bay u leeyihiin in loo tuso si cad oo qoraal ah xeeraraka loo cuskaday. Tan kale, Guddoomiyaha Gobolku waa shaqaale dawladeed oo la mid ah agaasimaayasha iyo madaxda sare ee masuuliyiinta maamulka dawladda (public officers), waxaanu markaas xasuusineynaa in aanay arrimaha siyaasada xisbiyada iyo doorashooyinka faraha la gelin oo dhexdexaad siyaasada xisbiyada ka ahaadaan.

Uruka UDDAA wuxu aaminsanyahay in Gudiyada Nabadgelyadu sidan ay hadda dadka ay u xidhxidhayaan ay carqalad weyn ku tahay kobcinta cadaalada iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee dalkeenna, caqabadna ku tahay sumcada wadankeena iyo qadiyadeena.

Wa Bilaahi Tawfiiq

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role. For more information please visi http://www.uddaasomaliland.blogspot.com

Conveners : Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk ; Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

No comments:

Post a Comment