Pages

02 April 2010

Guddiga Cusbataalka Hargeysa Abaalmarin ayey Muteysteen ee uma Qalmaan Aflagaado iyo Eris

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP

WAR SAXAAFADEED: Taariikh: 2/04/2010 Summad UDDAA/WS/2010 -1
______________________________________________________________

Guddiga Cusbataalka Hargeysa Abaalmarin ayey Muteysteen ee uma Qalmaan Aflagaado iyo Eris


Ururka Daryeelka Distoorka Somaliland
ee (UDDAA), waxa uu aad iyo aad uga xun yahay amarka Madaxweyne Rayaale hawshii iskaa wax u qabso aheyd kaga joojiyay guddidii cusbataalka Guud ee Hargeysa, oo runtii garab iyo gaashaanba u ahaa hawlaha daryeelka caafimaadka.

Guddidani waxa la wada ogsoonyahay marxaladihii adkaa ee ay kale soo dabaasheen cusbataalka guud oo ay bulshada dhexdeeda kaga muteysteen magac iyo maamuusba. Guddidu intii ay hawshan mutaawaca ah hayeen waxay cusbataalka ka qabteen hawlo mahuraan ah oo aanay suuro gal aheyn in lagu soo kobo qoraalkan. Waxay ku guulaysatay inay xidhiidh qoto dheer la sameeyeen ururo badan oo caalami ah oo keentay waxtar weyn iyo taakuleyn.


Urur ahaan, si mug leh ayaanu ula soconey khilaafaadka wakhtiga dheer qaatay ee uu shaqada kaga eryey Wasiirku Agaasimihii cusbataalka iyo dhakhaatiir badan, iyadoo baahi xad dhaaf ah loo qabo xirfadooda. Waxa aanu qabna in khilaafaadkaa siyaabo sahlan loo xalin karayay haddii laga hawlgalo. Waanan la yaabnay markaanu ogaaney in Madaxweynuhu, isagoon guddida la kulmin oo aan maqlin aara’dooda uu go’aan kan gaadhay. Taas uma aragno cadaalad iyo xishmeyn ay u qalmaan dad iskood hawl qaran iska xilsaaray.


UDDAA ahaan waxaanu u aragnaa in tallabadani tahay mid dib u dhac weyn ku ah horummarka iyo dedaalka dadka reer Somaliland ugu jiraan dib udhiska dalkooda hooyo, taasi oo niyadjab weyn ku ah shakhsiyaadka ku hawlan. Waxaa markhaati maddoonta ah in aan sinaba loo buuxin karin jagadii guddigaasi ummadda Somaliland u haysay oo ahayd iftiin ummaddu ku soo hirato. Tabaruca cusbataalkan lagu hagaajinyo waa arrin ummada Somaliland hore u soo taabatay, waana nasiib daro maanta oo aynu xor nahay in niyad jab aan loo baahneyn waqtigan la keeno.


Ururka UDDAA waxa uu u soo jeeddinayaa Xukuumadda Somaliland:


  • In ay si degdeg ah guddida loogu celiyo hawsha iskaada ah ee ay ummada u hayeen.
  • In Xukuumadu la shaqeyso oo farogalinta ka dayso Guddidan mutadawiciinta ah oo aanu u aragno guddi aan dowli ahayn.

Aduunka waa laga ixtiraamaa oo waa la kobciyaa guddiyadda tabaruca uga hawlgala, gaar ahaan adeega bulshada iyo caafimaadka, Xukuumadda waxa ku haboon in ay taageerto guddiyada noocan oo kale ah oo ka madax bannaan shaqaalaha dawladda. Waxa nala fiican in guddidan laga faa’ideysto khibradooda oo magaalooyinka kalena laga dhiso qaar la mid ah.



Wa Bilaahi Tawfiiq

__________________________________________________________

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)
- Promotion of the Constitution Group - waa koox-cadaadis (pressure group) ka madaxbanaan xisbiyada siyaasada, oo ay xubno ka yihiin Somalilanderka qurbaha deggan oo aaminsan in loo baahanyahay in hor loo mariyo oo la kobciyo Distoorka Somaliland. Diimoqraadiyadda, ku dhaqanka xeerarka, kala xadeynta awoodaha waaxyada dawladda, iyo xuqquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah waa tiirarka Distoorka. Ujeedooyinka UDDA waxa weeye sharaxaada baahida loo qabo in laga hor tago fasiraada khaladka ah iyo ku-xadgudubka Distoorka, iyo in loo olaleeyo garsoor madaxbanaan oo si karti leh uga soo baxa hawshiisa sida gaarka ah Distoorku u cayimay.


Mareegto:
UDDAA Somaliland http://www.uddaasomaliland.blogspot.com

Isuduwayaal: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk
Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

La Taliye
: Ibrahim Hashi Jama ibrahim@somalilandlaw.com

Related article:

Petition forwarded by Samotalis:
We say No to the President of Somaliland for his illegitimate dismissal of Hargeisa Regional Health Board

GoPetition


No comments:

Post a Comment