Pages

25 January 2011

Xidhista Suxufiyiinta waa Xaaladahi hore ee Xal cusub ayaa haboon


URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA)

PROMOTION OF THE CONSTITUTION GROUP

War Saxaafadeed

Sumad: UDDAA/WS/2011 -1 Taariikh: 25/01/2011

Xidhista Suxufiyiinta waa Xaaladahi hore ee Xal cusub ayaa haboon

Ururka Daryeelka Distoorka ee UDDAA waxa uu aad uga xunyahay xukunka xadhiga ah ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku riday Tifaftiraha wargeyska Waaheen, Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto). Ururku wuxu ku guubabineynaa Maxkamadaha Rafcaanka iyo Xukuumaduba in ay ku dadaalaan in muwaadinkan xorriyadiisa si dhekhso ah loogu soo celiyo.

Xorriyatul qawlka saxaafada waxa kafaalo qaadaya Qoddobka 32aad ee Distoorka Qaranka iyo Xeerka Saxaafada, waana nasiib daro in weli eedeynta loo soo jeediyo saxaafada loo adeegsado Xeerka Ciqaabta Guud oo ay ku jiraan qodobo kasoo horjeeda Distoorka Somaliland, ahna kuwii Talayaanigo mudadii “fashiistiga” dhigtay. Anagoo ogsoon in tanoo kale hore u dhacday, ismaanu laheyn raadkii hore ayaa weli raacayaa.

Xadhigan dheer iyo ganaaxan badan ee lagu riday Tifatiraha oo ay soo eedeeyeen laba mas’uul oo ah shaqaale dawladeed ahi ma aha uun muwaadin la duudsiiyey xuquudiisii, ee waxaa kaloo aduunweynaha looga arkayaa cabudhin saxaafada xorta ah iyo dulqaadasho yaraanta shaqaalaha dawladda. Sumcada dalka iyo kalsoonida garsoorkana waa arrin saameyneysa.

Anagoo ogsoon in mudda yar uun ay Xukuumadu cusibi joogtay , waxaanu ku guubaabineyna in si deg deg ah arrimahan saxaafada wiiqaya wax looga qabto . Sidaa daraadeed waxaanu tallo ahaan ku soo jeedinaynaa:

1. In Xukumadu, iyadoo fulineysa balanadeedii hore, ay ku dhawaaqdo joojin (MORATORIUM) lagu joojinayo isticmaalka Xeerka Ciqaabta Guud, ilaa inta la bedellayo qodobada Xeerka Ciqaabta Guud ee ku saabsan “cayda ama sumcad dillista”, marka suxifi eedeyn lagasoo sheegto wax uu kusoo saaray warbaahinta in eedeymahaas lagu xalilo habka Xeerka Saxaafada (Q.10 (6) aad) iyo Xeerka Madaniga (Q. 160aad – falka xaaranta ah - tort) oo ku xusan Xeerka Saxaafada.

2. In dhamaan wixii joojintaas ka dambeya aaney arrimahaas Booliiska iyo xeer ilaalinto faro lagaleyn oo hawshoodu ku ekaato dembiyadda.

3. In Xukuumadda iyo Baarlamaanku ay soo saaraan xeer madani ah oo arrimaha sumcad dhimidda badheedhka ah (libel) u gaar ah.

4. In iyadoo lala tashanayo ururada suxifiyiinta la sii adkeeyo Xeerka Saxaafada iyo xeer hoosaadka anshaxa iyo gaar ahaan habka cabashooyinka dadweynaha (press complaints) loola dhaqmo.

5. In haddii Tifatirahan Maxkamadaha Rafcaanku aanay burrin xukunka maxkamada, xukumadu markay soo saarto joojinta (moratorium) kor ku qoran ay ku darto cafis Madaxweyne dhamaan weriya kasta oo u xidhan baahin uu so saaray awgeed.

6. In suxufiyiinta iyo ururadoodo ay sii adkeyaan ku dhaqanka Xeerka Saxaafada iyo xeer hoosaadka (Code of Conduct) oo iyagana saaraya mus’uuliyad gaar ah.

7. Nin xil qaaday eed qaadba la yidhi. Mus’uuliyiinta dawladu waxaanu ku guubabineyna in ay sii kordhiyaan dulqaadashadooda. Wixii baalmaraya Xeerka Saxaafada iyo kan anshaxana, ha u mareen habka xeerkaas ku yaala.

Ugu dambeyntii saxaafadda xorta ahi waa halbowlaha habka diimuqraadinimada. Teenuna weli waa koreysaa ee aynu kobcino.

Wa Bilaahi Tawfiiq

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - waa koox-cadaadis (pressure group) ka madaxbanaan xisbiyada siyaasada, oo ay xubno ka yihiin Somalilanderka qurbaha deggan oo aaminsan in loo baahanyahay in hor loo mariyo oo la kobciyo Distoorka Somaliland. Diimoqraadiyadda, ku dhaqanka xeerarka, kala xadeynta awoodaha waaxyada dawladda, iyo xuqquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah waa tiirarka Distoorka. Ujeedooyinka UDDA waxa weeye sharaxaada baahida loo qabo in laga hor tago fasiraada khaladka ah iyo ku-xadgudubka Distoorka, iyo in loo olaleeyo garsoor madaxbanaan oo si karti leh uga soo baxa hawshiisa sida gaarka ah Distoorku u cayimay.

Mareegto: http://www.uddaasomaliland.blogspot.com


Isuduwayaal: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk , Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

La Taliye: Ibrahim Hashi Jama ibrahim@somalilandlaw.com

No comments:

Post a Comment