Pages

14 June 2010

Xukunnada Guddiyada Nabadgelyada waa in si Degdeg ah loo Joojiya


“Cawaaqib-xumada ku dhaqanka xukunnada Guddiyada Nabadgelyada ma aha uun duudsiinta xorriyadda muwaadiniinta ee waata aynu haddana aragnay in ay keentay daryeel xumo ay ku geeriyootay qof dumara oo u xidhneyd Guddi Nabadgelyo”

London (Jam)- Ururka Daryeelka Dastuurka Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo (UDDAA), ayaa si kulul u cambaareeyey xukunkii sharci-darada ahaa ee gudiida nabadgelyadu ku rideen marxuumad Shaadiya Cabdi Ducaale oo dhawr toddobaad ka hor iyada oo katiinadaysan ku geeriyootay cusbitaalka magaalada Gabiley.

Qoraal ururka UDDAA soo saaray shalay, ayuu ku cambaareeyey xukunnada sharci-darrada ah ee guddida nabadgelyadu sida qarsoodiga ah ugu fuliyaan dad badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo xukunnadooda loo maro sifo sharciga baalmarsan, iyada oo ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo tirtiro jiritaanka guddiyada nabadgelyada.

Qoraalka ururka UDDAA soo saaray oo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan:

“Ururka Daryeelka Dastoorka Somaliland (UDDAA) waxa uu si aad iyo aad ah uga xun yahay dhimashada marxuumad Shaadiya Cabdi Ducaale, Allaah ha u naxariistee oo ku geeriyootay cusbitaalka, iyadoo sida la soo sheegay katiinad weli ku xidhan tahay.

Haddaba, Cawaaqib-xumada ku dhaqanka xukunnada Guddiyada Nabadgelyada ma aha uun duudsiinta xorriyadda muwaadiniinta ee waata aynu haddana aragnay inay keentay daryeel-xumo ku geeriyootay qof dumar ah oo xidhneyd Guddida Nabadgelyada.

Urur ahaan in badan ayaanmu hore uga dignay xukunnada qayra-dastooriga ah ee guddiyadani fuliyaan, kuwaasoo meel-ka-dhac ku ah xuquuqda aasaasiga ee aadamaha Rabbi ku mannaystay, isla markaana dastoorka qaranku kafaallo qaaday, geerida marxuumaddan ku timina waxay ka markhaati kacaysaa in dad badan oo masaakiina ama danyar ah, iyada oo aan la ogeyn guddiyadani xukuno qarsoodi ah ku ridaan oo sharciga baalmarsan, waana nasiib-darro in maanta oo Somaliland tahay dal xor ah oo ku dhaqanka xeerka (rule of law) iyo habka diimuquraadiyadda ay ka jiraan in dhacdooyinka noocan oo kale ah ka dhacaan.

Ururka UDDAA waxa uu markale ugu baaqayaa xubnaha guddiyada nabadgalyada ee dalka in ay hawlaha nabad ilaalinta ku ekaadaan oo aanay dhexgelin hawlaha garsoorka ee maxkamadahu ku shuqul leeyihiin.

Haddaba, dhimashada Shaadiya waxay ina wada xasuusinaysaa sida loogu baahan yahay in la soo afjaro jiritaanka farogalinta dhinaca garsoorka ah ee guddiyadan.

UDDAA haddaanu nahay waxaannu markale ugu baaqaynaa annagoo ka faa’iidaysanayna fursaddan qaaliga ah ee dadkeena iyo dalkeennu diyaargarowga ugu jiraan doorashada in:

1. Xisbiyada iyo murrashaxiinta doorashooda u tartamayaa si cad oon madmadow ku jirin u ballanqaadaan inay u joojin doonaan awoodaha guddiyadaasi dadka ku xidhaan oo ay ku shaqeeyaan oo keliya adkeynta nabadgelyada, kuna dhawaaqaan in ay xabsiga kasii deyn doonaan cid kasta oo u xidhan Guddiga Nabadgelyo oo qofkii denbi xeerarka ku cad galeyna maxkamad si degdeg ah markiiba loo horkeeni doono.

2. Maxkamadda Sare iyo maxkamadaha kaleba waxaannu markale u soo jeedineyna in ay ka sii daayaan xabsiyada cid kastoo si aan waafaqsaneyn xeerarka iyo distoorka xabsi ay ku xukuntay Guddida Nabadgalyadu.

3. Guddida Dastuurka, Garsoorka, Caddaaladda iyo Xuquuqal-iinsaanka ee Golaha Wakiillada waa inay baadhitaan ku sameeyaan dhimashada Shaadiya, maadaama sida la sheegay Wasiirka Arrimaha Guduhu (ahna Guddoomiyaha Guddida Nabadagelya Qaranka) uu amray in xabsiga laga sii daayo dhammaadkii bishii April 2010.

Gebogebadii shacabka Somaliland dhammaantood waxaannu ku guubaabineynaa inay weydiiyaan murrashax kasta halkay arrintan ka taagan yihiin oo ay tixgeliyaan jawaabtooda. Uruka UDDAA wuxuu aaminsan yahay in Guddiyada Nabadgelyadu sidan hadda dadka u xidhxidhayaan carqalad weyn ku tahay kobcinta caddaaladda iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee dalkeenna, caqabadna ku tahay sumcadda waddankeenna iyo qaddiyaddeenna,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.


Wa Bilaahi Tawfiiq

URURKA DARYEELKA DISTOORKA (UDDAA) - Promotion of the Constitution Group - is an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora who believe that there is a need to promote and advance the Somaliland Constitution. Democracy, the rule of law, separation of powers and fundamental rights and freedoms are the pillars of the Constitution. UDDAA’s objective is to help articulate the growing need to challenge the misinterpretation as well as the blatant infringements of the provisions of the Constitution and to campaign for an independent judiciary that can assume confidently its proper constitutional role. For more information please visi

http://www.uddaasomaliland.blogspot.com

Convenors: Lulu Farah luluforumuk@yahoo.co.uk ;
Khadar Ali Gaas somalilander_1@yahoo.co.uk

Adviser: Ibrahim Hashi Jama Ibrahim@somalilandlaw.com

No comments:

Post a Comment